Somaliland Net,Your Gateway to Somaliland

Home BBC Somali 11:00 BBC Somali 14:00 BBC Somali 18:00 Somaliland NetPal Somaliland NetPal Somaliland Government
 SOMALILAND NETWORK
Country Profile
Email this Story Click here for More News Here
Press Release Kulmiye:Xildhibaan Maxamuud Xashi oo ka qayb galay shir lagu qabtay dalka Denmark.
Posted to the web 12:41 Mar 13 2003

Mar 13 2003 Mudane Maxamuud Xaashi oo kamid ah xil dhibaanada golaha wakiilada ee Somaliland kanatiran golaha golaha fulinta ee xisbiga KULMIYE oo beryahanba booqasho hawleed ku maraayey waddamada Yurub baa dhawaan booqosho ku yimid dalka Denmark.
X a y a y s i i s - A d v e r t i s e m e n t


Click here for More News Here
Booqashada mudane Maxamuud Xaashi oo lahayd laba ujeeddo inuu qaddiyada Somaliland dibadda uga olaleeyo iyo inuu ka qayb galo dhaq dhaqaaqa siyaaseed ee xisbiga KULMIYE kawado waddamada dibadda ee loogu diyaar garoobayo doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ee dhawaan dalka ka dhici doonta . Maxamuud Xaashi oo muddo ku sugnaa carriga ingiriiska intii joogayna qabtay hawlaha muhiima oo la xidhiidha danta guud iyo kuwa ugaar ah xisbiga KULMIYE.

Xildhibaanka waxaa ku soo dhaweeyey dalkan Denmark jaaliyada Somaliland ee Denmark iyo Guddida xisbiga laantiisa Denmark oo uu horkacaayo guddoomiye Muuse Sheekh isla markaasna ah guddoomiyaha jaaliyada Somaliland.

Wuxuu xildhibaanku ka qayb galay shir balaadhan oo ay soo qaban qaabiyey guddida xisbiga KULMIYE laantiisa Denmark, waxaana ka soo qayb galay bulshada reer Somaliland ee ku dhaqan wadankan oo ay ku jiraan tageerayaasha faraha badan ee xisbigu ku leeyahay dalkan.

Xildhibaanku wuxuu ka waramay marxaladihii kala duwanaa ee uu dalku soo maray soo maray duruufihii ku gadaamnaa iyo xaaladda cusub hadda lagu jiro. Mudane Maxamuud Xaashi wuxuu ka xog warramay habka ay u dhaceen doorashooyinki golaha degaanku ee ka dhacay dalka bishii Diisambar ee sannadkii hore, iyo saadaasha laga qabo sida ay u dhaci doonto doorashada soo socota ee madaxweynahu ee la qaban doono bisha Abril 14keeda. Mudane Maxamuud Xaashi oo lagu tiriyo xildhibaanada ugu fir fircoon golaha wakiilada oo aan la gabban sixidda iyo toosinta xukuumadda Somaliland ayaa hadaladisii saraaxiga ahaa soo jiiteen dadkii shirka kasoo qayb galay.

Xildhibaanku wuxuu kaloo ka warramay qorshaha safarkiisan ee ku saabsan sidii uu taageero ugu heli lahaa xisbiga uu ka tirsan yahay ee KULMIYE waxaanu si dimuqraadiyad ah ugu baaqay dadkii halkaa isugu yimid inay taageeraan xisbigiisa oo uu arko inuu yahay xisbiga maanta ka jawaabi kara su'aalo badan oo shacabka reer Somaliland is weydiinayaan.

Xildhibaanku wuxuu tilmaamay sida maanta dawladii iyo xisbiga UDUB aan loo kala garanayn oo xoolihii ummaddu ay u noqdeen mid xukuumaddu siday doonto ugu takrifasho. Xukuumaduna waxay ku odhanaysaa ama UDUB ahow oo wax nalala cun dawladana soo gal ama mucaarid ahow oo ka qatanaw. Taasoo xukuumaddu u aragto cadow iyo hujuum ciddii aan UDUB taageersanayn.

Xildhibaanku wuxuu carabka ku dhuftay sidii ay ku aqbaleen natiijadi doorashadi golayaasha degaanka iyadoo ay jireen cabooshin fara badani. Wuxuu xusay in xukuumaddu ku shubatay doorashadii degaanka, inkastoo KULMIYE cabashooyin ka muujay haddana waxaan ka raacnay danta guud ee qaranka. xildhibibaanku wuxuu ku nuux nuuxsaday inuu rajaynaayo in laga faa'idaysto waayo aragnimadii god dalooladii doorashadii hore oo ta soo socotaa udhacdo si xaq ah oo xor ah . Wuxuu xildhibaanku ugu baaqay dadka reer Somaliland inaanay iska lumin fursadaa maanta hortaala ee ah habka axsaabta ee maanta wadankeeni ka bilaabmay oo ay ka fiirsadaan musharraxa dantooda wada ee ay ku aamini lahaayeen Maandeeq.

Ugu danbayntiina wuxuu xildhibaanku jawaabo ka baxshay su'aalihi la weydiiyey dhamaantood. Waxaana shirku u dhacay jawi farxadeed oo soo jiitay dareenka dadkii shirka ka qayb galay.

Xildhibaan Maxamuud Xashi intuu joogay Denmark wuxuu kaloo la kulmay xukuumadda Denmark oo uu kala hadlay qaddiyadda Somaliland. Wuxuuna ku dhiirigeliyey inay Denmark ka qayb qaadato hawlaha dibudhiska sidoo kalena gacan ka gaysato gar gaarka aadminimo ee lagu daboolayo baahida bulshada. Wuxuuna ka codsaday in waddamada midawga Yurub diirigeliyaan hanaan socodka dimoqraadiyadda curdaynka ah ee Somaliland .

Mohamuud Xaashi isagoo ku guda jira socdaal hawleedkiisa wuxuu kaloo tegi doonaa waddamada kale ee waqooyiga Yurub gaar ahaan Sweden iyo Norway waxaanu ku talo jiraa inuu iyana la kulmo shacbiga Somaliland ee iyo hay'adaha dawladda ee waddamada Iskandineefiyanka. .

Gudoomiyaha Xafiiska Kulmiye ee Denmark.

Musse sheikh


Posted by EDT- Canada.
Email: news@somalilandnet.com

Email this Story - Saxiib u dir


Advertise with us
 



CONTACT INFORMATION.




| Home | Add a Site | Modify a Site | What's New | What's Cool | Top Rated | Random Link | Privacy Statement | Contact Us  
Copyright © 1998 Somaliland Net - This site has been optimized for 4.0+ Browsers.