Warsaxaafadeed uu soo saaray afhayeen aan magaciisa la xusin oo u hadlay Wasaaradda Warfaafinta ayaa isaga oo daba jooga shir jaraa'id oo Salaasadii toddobaadkan uu qabtay Madaxa Abaabulka iyo Wacyigelinta ee xisbiga KULMIYE Sheekh Maxamed Iid Dhimbiil oo ku eedeeyey warbaahinta dawladda (Raadyowga iyo Wargeyska Maandeeq) in aanay si siman u baahinin wararka xisbiyada oo aanay dhex-dhexaad u ahayn gaar ahaan xisbiga KULMIYE oo uu sheegay in aan warkiisa wanaagsan laga baahin warbaahinta dawladda balse loo adeegsado cambaaraynta xisbiyada.
Afhayeeka Wasaaradda Warfaafintu, waxa uu eedeeyntaa xisbiga KULMIYE ku tilmaamay mid been abuur ah, waxaanu sheegay, "in aanay haboonayn in laga been sheego wax uu shacbigu ogyahay gunteeda", afhayeenka wasaaradda warfaafintu waxa uu intaa ku daray "Shacbiga Somaliland ee dhageystayaasha Raadyow Hargeysa, gudo iyo dibadba marag bay ka yihiin in laga baahin jiray wararka iyo barnaamijyada u gaarka ah xisbiga KULMIYE, xilligii olalaha tartanka doorashada iyo ka diba iyada oo ay ugu dambaysay shirweynihii xisbigaas oo ay wararkiisu ka baxeen Idaacadda Raadyow Hargeysa. Afhayeenka oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi; "Sida shacbigu ka warqabo waxa hoggaanka xisbigaasu hore u caddeeyey una amaanay warbaahinta dawladda oo uu tilmaamay dhex-dhexaadnimada xisbiyada ee warbaahineed. Haatana waxa uu sheegay afhayeen u hadlay xisbiga KULMIYE in warbaahinta dawladda aanay hal erey ka sii dayn. Waxa haddaba is weydiin leh goorma ayuu hagaagsanyahay xisbigaasi. Maanta oo tartan loo gelaayo jagada madaxweynenimo iyo ku xigeenkiisa waa nasiib darro in xisbi ka mid ah xisbiyada tartanka ku jira uu been u sheego shacbigii uu taageerada iyo kasbashada ka rabay".
Afhayeenka Wasaaradda Warfaafintu waxa uu ku soo gebagebeeyey warsaxaafadeedkiisa, "Raadiyow Hargeysa oo ah halbawlaha warbaahinta Qaranka, wuxuu dhagaystayaashiisa iyo axsaabta tartamaysaba u sheegayaa in aanu dhinac u xaglin, una adeegi doono sidii horeba loo ogaa si dhex-dhexaadnimo iyo isku kalsooni ah."
Posted by Khadar Xasan Jamhuuriya London.
Email: jamhuuriya@hotmail.com |