Somaliland Net,Your Gateway to Somaliland

Home BBC Somali 11:00 BBC Somali 14:00 BBC Somali 18:00 Somaliland NetPal Somaliland NetPal Somaliland Government
 SOMALILAND NETWORK
Country Profile
Email this Story Click here for More News Here
Xisbiga UCID oo kala shiray Geological Survey of Finland sidii looga hir gelin lahaa mashruuc lagu baadhayo macdanta Somaliland.
Posted to the web 15:04 Feb 18 2003

Feb 18 2003 Finland ( Somaliland Net) - Ayaa xoghayaha arimaha dibeda ee xisbiga UCID Cabdiraxmaan Maxamed Cirro uu kala shiray Kristian Lindqvist (Geology Survey of Finland, Project Proposal on Somaliland Minerals) sidii Somaliland looga hir gelin lahaa mashruuc lagu baadhayo laguna horumarinayo macdanta iyo biyaha Somaliland, kaasi marar horena laga wada hadlay waxaana labada dhinac isla meel dhigeen sida ugu dhibta yar ee loo bilaabi lahaa mashruucaas iyadoo dhinaca Finland iyo Somalilanba lagu dhiirigelinayo faa’iidadda uu mashruucani dhaqaale ahaan u leeyay .
X a y a y s i i s - A d v e r t i s e m e n t


Click here for More News Here
Waxaana uu Kristian Lindqvist oo ah nin horena meelo badan oo afrika ah uga soo shaqeeyay uu sheegay in mashruucan oo kale uu muhiimad badan u yeelanayo wax badana uu ka kabi karayo dhaqaalaha Somaliland . Waxaa kale oo shirkan goob joog ka ahaa gudoomiya jaaliyada Somaliland ee Finland Cabdiqaadir Kayse Maacaleesh oo sheegay in jaaliyadu kaalin wayn ka qaadan doonto sidii loo hirgelin lahaa inay suurtagal noqoto mashruucan fulintiisu.

Cabdiraxman Maxamed Cirro, Dr. Kari A .Kinnunen (Research Scientist Mineralogy and Applied Mineralogy R&D Section) Geological Survey of Finland.

Shirkii xubnaha xisbiqarameedka Somaliland ee UCID ee Helsinki Finland

Maalintii Axadii ee 16.02.2003 ayaa xubnaha xisbiga UCID ee Magaalada Helsinki ee dalka Finland ay isugu yimaadeen shir laga hadlay arimo badan oo khuseeya xisbiga iyo dalka Somaliland.

Aayado quraan ah kadib waxaa halkaasi khudbad mahad naq ah u soo jeediyay xubnaha xisbiga iyo taageerayaashiisaba gudoomiyaha xisbiga Ucid Ing. Faysal Cali Waraabe oo ka waramay sidii ay u dhacday doorashadii golaha deegaanka ee Somaliland guud ahaanba . Halkaasi oo gudoomiyahu ku xusay kaalintii waynayd ee xubanaha iyo taageerayaashu UCID ay ka qaateen inuu xisbigani ka mid noqdo xisbiyadii ku guulaystay doorashada deegaanka ee Somaliland. Kana xog waramay u diyaargarawga doorashada madaxweynaha Somaliland.

Xoghayaha arimaha dibeda ee xisbiga UCID Cabdiraxmaan Maxamed Cirro ayaa isaguna halkaasi ka waramay sidii ay u daddaaleen dhamaan xubnaha xisbigan iyo taageerayaashiisa dalka dibadiisa ku dhaqani iyo kaalmadii waynayd ee ay ka gaysteen horumarka uu xisbigani gaadhay islamarkaana ka warbixiyay dhaqaalaha iyo isku xidhnaanta xisbigan dalka gudahiisa iyo dibadiisaba, uguna baaqay taageerayaasha xisbiga inay halkaasi ka sii wadaan taageeradooda.

Intaasi ka dib ayaa xubnaha xisbiga iyo taageerayaashiisuba ay fursad u heleen inay su,aalahooda iyo aragtiyahoodaba ka dhiibtaan shirka . Halkaasina waxyaabihii lagaga hadlay waxaa ka mid ahaaa: nabadgelyada,dhaqaalaha,waxbarashada ,caafimaadka,deegaanka ,xidhiidhka dawladaha aan deriska nahay iyo doorashooyinka soo socda intaba.

Waxaana lagu soo gebagabeeyay shirakaasi salaadii cishaha looguna duceeyay ummada musilinka ah oo dhan in ilaahay dhibaatada ka saaro.




Maxamuud Maxamed
Email: cirro@jippii.fi


Posted by EDT- EUR.
Email: news@somalilandnet.com

Email this Story - Saxiib u dir


Advertise with us
 



CONTACT INFORMATION.




| Home | Add a Site | Modify a Site | What's New | What's Cool | Top Rated | Random Link | Privacy Statement | Contact Us  
Copyright © 1998 Somaliland Net - This site has been optimized for 4.0+ Browsers.