- Email
this Story
Click
here for More News Here
Dibad joogii mudanayaasha mucaaridka, gaafa wareegii wasiirka daakhilga iyo kambaruusigii mudanayaasha Udub ee maanta.
Posted
to the web 15:06 Feb 05 2003
-
|
|
Feb 05 2003
Hargaysa (Somaliland Net) - Fadhigii golaha wakiilada ee maanta ayaa si buuxda u ansixiyay sadex wa Siir, oo ansixintooda shalay dib loo dhigay ka dib markii ay golaha ka dareereen xubnihii mudanayasha ee ururka udub. Oo iyagu a cabsi qabay in lagaga bato ansixinta wasiirka daakhiliga Oo ah ururka Udub, si weyna ay uga soo horjeedaan xubno badan oo ka mida golaha.
|
Wasiirada daakhiliga ,w/xigeenka caafimaadka, iyo w/xigeenka x/xoolaha ayaa maanta goluhu si buuxda u ansixiyeen ka dib Markii 45 kii mudane ee fadhiyay madasha ay u codeeyeen , ma jirin cid ka aamustay , iyo cid diiday, Fadhigan maanta ee golaha waxa dibada ka joogay oo aan iyagu ka qaybqaadan codaynta 17 mudane oo mucaaridka ah, iyagoo ku sheegay sababta ay u gali waayeen inay tahay wasiirkan daakhiliga oo isagu caadaystay inuu faragelin toosa ku sameeyo ,doorashadii madaxda degmooyinka.
Islamarkaana uu ku lug leeyahay isku imaatin laaanta golayaashiidegaanka hargaysa iyo gabiilay , sidaas darteed anay haboonayn in la ansixiyo. C/qaadir jirde oo isagu goaaminayay fadhiga golaha ee maanta ayaa hadalo waano canaan ah u jeediyay mudanayaashii ku dhaqaaqay inay golaha ka dareeraan, kuna baraarujiyay in la eego xeer hoo Saadka golaha, islamarkaana la ilaaliyo danta caamka ah.
Wasiirka daakhilga ayaala sheegay inuu habeenadii xalay oo dhan uu ku jiray kaambayn uuku raadinayo sidii loo ansixin lahaa, si weyna looga dareemay dhaqdhaqaaqa baaburkiisa gudaha magala Da hargaysa.
Posted by Kayse Axmed Digaale: Somaliland Net Correspondent in Somaliland.
Email: kayse@somaliland.net |
|
Email
this Story - Saxiib u dir
|
|