Somaliland Net,Your Gateway to Somaliland Fly with Daallo Airlines

Radio Hargeysa | BBC Somali 11:00 | BBC Somali 14:00 | BBC Somali 18:00 | Discusion Board | Somaliland Netpal
 SOMALILAND NETWORK
 
Country Profile
SAXIIB U DIR Saxiib u dir TRANSLATE TARJUM PRINT DAABAC Print This
Khudbadii Madaxweyene Rayaale ka Jeediyay Degmada Oodweyene.
Posted to the web 20:59 Sept 11 2005
Rayaale, Oodweyene Odweyene(Somaliland Net) - Madaxweynaha jamhuuriyada somaililand Md.Daahir Rayaale Kaahin ,oo wefti uu hogaaminaya booqasho ku tegay maalintii sabtidii Degmada Odwyne ,aya saaka fagaare kalahadlay shacbiga degmadaas.Madaxweyne Rayaale intii ku sugnaa halkaasi waxa uu xadhiga ka jaray dhowr mashruuc oo halkaas laga hirgaliyay , kana mid ahaayeen ,Saldhiga Booliska,xarunta Naafada, dibudhis iyo kordhin lagu sameeyay dhismaha dugsiga dhexe ee degmadaas ,biriijka dooxa laga sameeyay iyo dhisme shaybaar ooqalabaysan oo lagu kordhiyay dugsiga sare ee degmadaas.

Posted By Kayse A Digale.

X a y a y s i i s - A d v e r t i s e m e n t

Madaxweyne Rayaale ,oo wehelyaan wasiirada Hawlaha guud , arimaha gudaha , Maaliyada ,Macdanta iyo biyaha iyo waxbarashada ,ayaa khudbadiisa kaga hadlay arimo kala duwan waxaanu ku bilaabay hadalkiisii,

Aniga farxad weyn bay ii tahay inaan joogo maanta Odweyne,shalay markaan kasoo talaabaynay dooxa waxaan xusuustaa anigoo ilmayara 38 sano kahor fiisad aanu ku nimi Odweyne anagoo arday ah uu baabuurkii naga galay dooxa halkaasaana aanu gacmahayaga ku riixnay,inkastoo mashaariicdu waajib tahay hadana biriijkani waa ka ugu mihiisan ayaan aaminsanahay ,wasiirkanina(Siciid sulub) waa ka igu dabajoogay inaanu fulino weeye.Waxa kale oo Md.Rayaale intaas ku daray , Wadaa=dan aanu bilownayana waxaanu gaadhsiindoonaa oo aanu ku dari doonaa laamidaa ,mana noqondoonto mid riwaayad oo ku xidhan doorashada .

Md.rayaale isagoo ka hadlaya Arimaha dhismaha wadada waxa uu yidhi "Aniga lay dooranmaayo oo hore ayaa laydoortay ee waxa la dooranayaa Xildhibaano,rag saaxiibaday ahoo xisbiyada ah oo halkan idiinku yimi door hore ayaa lahaa ololaha dorashada ayaa lagu galayaa (wadada),horaa lay dortay oo wakhtigaygii waan qaatay ee xilkayga ayaan gudanaya oo ah dalka inaan wax ka qabto"ayuu yidhi .Waxa kale oo intaas ku daray Md.Rayaale baahida degmada taala fari kama qodna oo ilaa xalay waxaan is aragnay odayaasha iyo xildhibaanada degaanka , maalinba waxaanu qabankarno ayaanu qabanaynaa , waayo dalburburay ayaanu nahay " Roma maalin qudha laguma dhisin ayay gaaladu ku maahmaahdaa".

Md. Rayaale oo tixraacaya hadal uu Maayirka Degmadu halkaas ka yidhi oo ahaa waxaan aragnay qoraalo sheegaya in ilaa bariga hargaysa ay yihiin dhul nabadgelyo daro ah ,waxa uu yidhi ,Md.Rayale,gudoomiyaha degmada Odweyne ayaa halkan ka hadlay ,Anigu madaxweynaha dalka ayaan ahay dhacdooyinku meelkasta way ka dhacaan ,laakiin Bariga hargaysa dhul bilaa nabada uma haysano hadaanu dawlada nahay ee dhul nabada ayaanu u haysanaa. Hadaynu shacbiyi iyo dawladba gacmaha is qabsano waxbadan ayaynu qabsan karnaa .

Isagoo MD.Rayaale ka hadlaya arimaha doorashada waxa uu yidhi " doorashooyinkii hore si nbada ayay inoogu dhaceen ,tana waxaan rajaynaa inay nabad inoogu dhacdo , aniga markii xilka lay dhaariyay kelmad qudha ayaan idhi taas oo hayd " Alle haw naxariistee madaxweynahenii hiilkeliya ayuu inooga baahan yahay kaasoo ah inaynu dhamaystirno arimihhi oo ka tegay oo haa doorashooyinkaa tii ayaa anigu fulinayaa oo Aan wadaa." Waxa kale oo intaas ku daray xukuumadan ayuun baa wax qaban kartaa majirto xisbiyo wax qabankaraa ,baarlamaaka cidba waxay doonto ha kahesho , dawlad dambe oo dhismaysaa ma jirto ilaa wixii ka dambeeya 2008ka,hogaanku mid burburidoona maaha sida rag ku ololaleeyaan, waxan leeyahay Xisbiga Udub ujeedada doorashadiisa ku hogaaminayaa waa xisbi raba halkaa u dalku joogo inuu hore uga socdo ,raga kale ee tartamayaa waxay lee yihiin aynu dib u noqono. Ka fiirsada codkiina oo ugu rida cida himaladeedu tahay un dalkani hore u socdo.waxaanu hadalkiisii ku soo koobay ,isagoo shacbiga uga mahadnaqay sida wanaagsan ee ay ugu soo dhaweeyeen Odweyne .

Wasiirka hawlaha guud ee jamhuuriyada Somaliland Md Siciid Sulub oo halkaas ka hadlay ayaa seegay ujeedada safarkooada ee xiligan ay ku yimaadeen weftiga Md Rayaale waxaanu yidhi. "Waxaa batay xantii iyo nuxdii ,markaa imitaankan Mdaxweynahu waxay saarayaan xantii iyo beentii ,waxaanuna u nimi oo madaxweynuhu u yimi oo aanu googol dhig u ahayn inu madaxweynuhu kormeero o eego wixii waxqabad ee degmadan ka socda ayaa safarku madaxweynuhu la xidhiidhaa.waxa kale oo intaasi ku daray waxa shacbigu ku farxsan yahay wadadii oo socota oo ilaa dhowr iyo tobon km socota ,ayrishbiriishka , oo ay ku baxday lacag gaadhaysa boqol iyo sodon kun oo dollar. Iyo mashaariicda kale ee halkan laga fuliya y ee madaxweynuhu inoo furay. Waxa kale halkaas ka hadlay maayirka Odweyne .mashaariicdan laga hirgaliyay Odweyne ayaa waxa hirgaliyay Xukuumada iyo hayadaha samafalka.

Weftigan madaxweyne Rayaale oo hal habeen u hoyday aya saaka barqadii dib ugu laabtay dhinaca magaalada hargaeysa oo ay markii hore ka ssoo kicitimeen.



News Posted By Kayse A Digale.
Email
Kayse A Digale : kayse@somaliland.net


SAXIIB U DIR Saxiib u dir TRANSLATE TARJUM PRINT DAABAC Print This
MORE NEWS

Advertise with us
 



CONTACT INFORMATION.




| Home | Add a Site | Modify a Site | What's New | What's Cool | Top Rated | Random Link | Privacy Statement | Contact Us  
Copyright © 1998 Somaliland Net - This site has been optimized for 4.0+ Browsers.