somaliland.net
Si Xun Laylama Dhaqmin, Laakiin waxay ahayd xaalad iyo waqti adag
Feb 15 2008 (Somaliland Net) - Hargeysa - Madaxa Hayadda German Agro Action Mr. Daniel Bronkal oo ay ciidammada Somaliland ka soo furteen koox dablay ah oo Salaasadii toddobaadkan ka qafaashay duleedka woqooyi ee magaalada Ceerigaabo, xarunta Gobolka Sanaag, ayaa shalay barqadii soo gaadhay caasimadda Hargeysa, halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyey.
Sarkaalka afduubka laga soo daayey oo ay wahelineysay haweenay ajnebi ah oo ka tirsan shaqaalaha hayadda GAA, isla markaana la socotey waqtigii dableyda hubeysani qafaasheen Mr. Daniel, kuwaas oo la socday diyaarad ka soo qaaday magaalada Ceerigaabo, ayaa waxa madaarka Hargeysa ku soo dhoweeyey madax ka tirsan xukuumadda oo uu hoggaaminayey Wasiirka Arrimaha Gudaha Md. Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cirro), saraakiil ka tirsan Hayadda Sirdoonka Qaranka iyo masuuliyiin ka tirsan hayadaha samafalka caalamiga ah ee ku sugan Somaliland.
Madaxa hayadda GAA Mr. Daniel Bronkal oo wax yar kadib markii uu ka soo degay shalay diyaaraddii ka soo qaaday Ceerigaabo waraysi khaas ah Jamhuuriya ku siiyey qolka martida ee madaarka Hargeysa, ayaa ugu horreyn isagoo faahfaahin ka bixinayey duruufihii soo wajahay muddadii uu ku jiray xaaladda afduubka, waxa uu yidhi; Sida aan ka sheegay wareysigeygii hore si xun laylama dhaqmin ee si ixtiraam leh ayaa layla dhaqmay oo waxa lay siiyey cunto iyo cabbitaan igu filan, laakiin waxay ahayd xaalad iyo waqti adag.
Mr. Bronkal oo ay wejigiisa ka muuqatay farxad iyo dhoolacaddayn oo ka jawaabayey suaal ku saabsanayd aragtiidiisa ku wajahan hawlgalladii ciidammada Somaliland ku soo furteen, waxa uu yidhi; Ciidammada Somaliland waxay qabteen shaqo aad u wanaagsaneed oo ah mid iyaga u fiican, marka loo eego agab iyo awoodooda, iyaga ayaa isoo badbaadiyey, waanan uga mahadnaqayaa.
Mar la waydiiyey sarkaalka hayadda GAA raadka ay nolashiisa ku yeelan karaan duruufihii muddada afduubka laoo haystay iyo kadiba, wax uu ka gaabsaday in uu si cad u muujiyo marxaladdii dhabta ah ee ku wajahan marxalada uu kala kulmay qafaalashada, balse wuxuu sheegay in uu arrintaa iyo kuwo kalaba faahfaahin ka bixin doono maalmaha soo socda.
Mr. Daniel Bronkal oo u dhashay dalka Jarmalka, isla markaana madax ka ah hayadda samafalka Germen Agro Action oo mashaariic horumarineed oo dhinaca beeraha iyo fayo-dhowrka ah ka fulisa gobollada Togdheer, Sool iyo Sanaag, ayaa Salaasadii toddobaadkan koox dabley ahi ka qafaasheen tuulada Rugey oo 35KM dhinaca waqooyi ka xigta magaalada Ceerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag, iyadoo sidoo kalana dhaawac fudud u geystay darawalkiisa oo u dhashay Somaliland.
Haseyeeshee hawlgal ballaadhan oo ay wada jir u fuliyeen ciidammada milatariga iyo booliska ee ku sugan Gobolka Sanaag, ayaa 24 saacadood kadib waqtigii afduubka ku guuleystay in ay soo furtaan sarkaalka ajanabiga ah oo badqaba, isla markaana gacanta ku dhigey mid ka mida kooxda afduubayaasha ah oo dhaawaca.
Dhinaca kale, Ciidammada Somaliland oo kaashanaya bulshada ku dhaqan deeganada Gobolka Sanaag, ayaa shalay duhurnimadii ku guulaystay inay si buuxda gacanta kugu dhigaan afar nin oo ka mid kooxdii dabaylka ahayd ee Salaasadii toddobaadkan falka afduubka ah ku fuliyey madaxii hayadda Germen Agro Action Mr. Daniel Bronkal.
Kooxdan budhcada ah ee fuliyey falka lagu afduubay sarkaalka Jarmalka ah oo tiradoodu ahayd shan xubnood, kuwaas oo mid ka mid ah oo dhaawac ah lagu qabtay hawlgalkii ciidammada Somaliland ku soo furteen Mr. Daniel Bronkal, ayaa afarta kale oo ilaa waqtigaa lagu daba jiray waxa lagu qabtay tuulada Waqdariya oo ku taal duleedka magaalada xeebta ah ee Laas-qoray.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cirro), ayaa Jamhuuriya u xaqiijiyey in ciidammada Somaliland gacanta ku dhigeen dhammaan kooxdii budhcada ahayd ee fuliyey falkii lagu afduubay sarkaalka madaxda ka ah ee hayadda Germen Agro Action, isla markaana si degdeg ah loogu soo qaadi doono dhinaca caasimadda Hargeysa.
Illaahay baa noo fududeeyey in budhcadaa gacanta lagu dhigo, kuwaas oo dhammaantood gacanta dawladda ku jira, si dhakhso ahna waxa loogu soo gudbin doonaa Hargeysa, ayuu yidhi Cabdillaahi Cirro, waxaannu intaa ku daray in kooxda budhcada ah lagu qabtay hawlgal ballaadhan oo ay ciidammada Somaliland iyo shacbiga Gobolka Sanaag iska kaashadeen, iyaga oo waqtiga la qabtayna ku dhuumanayey deegaanka tuulada Waqdariya oo 28km dhinaca Ceerigaabo ka soo xigta degmada Laasqoray.
Wasiirka oo la waydiiyey in kooxda budhcada ahi in Somaliland u dhasheen iyo inay yihiin shisheeye meel kale ka yimi, waxa uu ku jawaabay; Ka hor dhici mayo baadhista, laakiin nimankani waxay ka yimaadeen Boosaaso.
Cabdillaahi Cirro waxa uu mahadnaq ballaadhan u jeediyey ciidammada, maamulka iyo shacabiga Gobolka Sanaag oo uu sheegay in ay badbaadiyeen qarannimada iyo sumcadii Somaliland ku lahayd bulshada caalamka
jumhuriya
News Posted By: Abdirisak suleman on Feb 15 2008, 07 43
Email: Abdirisak suleman:news@somalilandnet.com
News Archives - Print News - Translate - Submit News - Email this Article