somaliland.net
Qoraal Hambalyo ah oo naga soo Gaadhay Qusulka Guud ee Somaliland ufadhiya dalka Sweden
Feb 14 2008 (Somaliland Net) - Qoraal uu nasoo gaadhsiiyay Hussein Wadadyare oo ah Qusulka Guud ee Somaliland ufadhiya dalka Sweden ayaa waxa ay uqornaa qoraalkaasi sida tan :
Waxa aan halkan hanbalyo iyo boogaadin uga dirayaa Mudane Daahir Rayaale Kaahin Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland
, xukuumadiisa, ciidamada qaranka, masuuliyiinta Somaliland ee gobolka Sanaag,iyo dhamaan shacabka Somaliland ee ku dhaqan
gobolka Sanaag kuwaas oo si geesinimo leh kusoo badbaadiyey Mudane Daniel Bronkal oo ahaa sarkaalka ka tirsan hayda GAA.
Waxa aan la ilaabi karin sida ay uga soo badbaadiyeen caqli laawayaasha qafaashay ninkaas u shaqaynayey dadkeena.
Dhamaan shacabka reer Somaliland waxa aan ka codsanayaa in ay is barbar taagaan xukuumadooda kalana shaqeeyaan hawlaha
amniga, xukuumada Somalilandna waxa aan ka codsanayaa in aan lagu eegin il naxariis leh budhcadaas.
Hussein Wadadyare
Qusulka Guud ee Sweden
Posted by Wariye Mohamed Mussa inji
Hargeysa
Somaliland
News Posted By: Wariye Mohamed Mussa inji on Feb 14 2008, 11 47
Email: Wariye Mohamed Mussa inji :news@somalilandnet.com
News Archives - Print News - Translate - Submit News - Email this Article
