somaliland.net

Xildhibaano ka Tirsan Golaha wakiilada ee JSL kana soo jeeda Gobolka Sanaag oo Maanta Shir Jaraa,id kaga Hadlay Budhcadii iskudayday inay Afduubaan Ninkii Jarmalka ahaa ee Gacanta lagu soo dhigay

Feb 14 2008 (Somaliland Net) - Xildhibaano ka tirsan Golaha wakiilada oo laga soo doortey Gobolka Sanaag ayaa shir jaraa,id oo ay ku qabteen xaruntooda maanta waxay ku hambalyeeyeen xukumada , ciidaamada mileteriga, kuwa Booliska iyo dadweynaha gobolka sanaag ee sida Geesinimada leh usoo furtey madaxii hayadda GAA iyo sidii gacanta loogu soo dhigay kooxdii Budhcada ahayd.

Xildhibaanadan golaha wakiiladu waxay u soo jeediyeen hayadaha qaramada midoobay iyo kuwa caalamiga ahba in falka lagula kacay masuulkani uu ahaa mid argagixiso oo lid ku ah Qadiyada qaranimada jamhuuriyada Somaliland waxa sameyn ahna aanu ku yeelan doonin hawlaha samo fal.

Waxa kale oo ay xildhibaanadani sheegeen in ay soo dhawaynayaan.
Shirkii jaraayid ee uu shalay ku qabtey xafiiskiisa ceerigaabo madaxa hayada GERMEN ACRO ACTION mr DANIAL oo caddeeyay in afduubkii lagula kacay aanu haba yaratee hor joogsanaynin hawgaladii samo falka ee ay gobolka ka waddeen ,Maadaama ay tahay hayadda keliya ee si rasmi ah uga shaqeynaysay gobolkaasi , mudanayaashan aqalka wakiilada waxay shirkoodan jaraa,id ku sheegeen inay golle ahaan Diyaarinayaan koox xaqiiqo raadin ah oo soo baadha sidday wax u dhaceen anagoo kaashanayna ayay yidhaahdeen xukuumada dhexe.

Madaxa hay;aadda GAA ayaa subaxnimadii hore ee doraad koox budhcad ahi ka afduubeen deegaanka RUQAY oo u dhaxeeya magaalda ceerigaabo iyo degmada maydh waxaana isla habeenkii hore ku guuulaystey inay si nabad gelyo ah u soo daayaan ciidamada meleteriga iyo Booliska dalka JSL iyadoo gacanta lagu soo wada dhigey kooxdii falka argagixisada ah sameysay.

Posted by Wariye Mohamed Mussa inji
Hargeysa
Somaliland

News Posted By: Wariye Mohamed Mussa inji on Feb 14 2008, 11 36
Email: Wariye Mohamed Mussa inji :news@somalilandnet.com

News Archives - Print News - Translate - Submit News - Email this Article