somaliland.net
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Somaliland oo Maanta Kulan la yeeshay Dadweynaha iyo Odayaasha Xaafadda Gacan Libaax ee Magaalada Hargeysa
Feb 14 2008 (Somaliland Net) - Wasiirka Arrimaha gudaha ee Somaliland mudane c/laahi ismaaciil cali (ciro) ayaa Maanta kulan la yeeshey odeyaasha iyo dadka xaafada gacan libaax ku dhaqan.
Kulankan oo ay ka soo qayb galeen wasiirka Arrimaha gudaha , iyo Maayarka caasimada iyo Guddiga wanaag farista iyo xumaan reebista iyo dadweyne ku dhaqan xaafada gacan libaax.
Ugu horeyn waxa kulankaasi ka hadlay wasiirka Arrimaha Gudaha ee JSl mudane c/laahi ismaaciil cali oo ku Booriyay in laga wada shaqeeyo sidii Nabad gelyada loo sugi lahaa, wasiirku waxa kaloo amaan badan u soo jeediyay dadweynaha ku dhaqan xaafada gacan libaax Sida ay amniga ugu wada shaqeeyaan.
Sidoo kale waxa uu tilmaamay sidii xaafada horumarkeeda looga wada shaqeyn lahaa waxaanu kula dardaarmay dadweynaha ku dhaqan xaafada gacan libaax Sidii ay u xoojin lahaayeen nabad gelyadoooda.
Waxaana halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Gudiga wanaag farista iyo xumaan reebista XAAJI DOOL oo isna sheegey in xaafada nabad gelyadeeda laga wada shaqeeyo, Oo dhaqan xumada la la dagaalamo waxa isna goobtaasi hadal ka yidhi xasan boobe oo isna u soo jeediyay dadweynaha ku dhaqan xaafada gacan libaax in ay amniga iyo nabad gelyada ka wada shaqeeyaan.
Ugu danbeyntii waxa halkaa ka hadlay Odayal ka tirsan xaafada oo iyana balan qaaday inay ka shaqeynayaan waxna ka qabanayaan nabad gelyada cidii wax yeelaysa .
Posted by Wariye Mohamed Mussa inji
Hargeysa
Somaliland
News Posted By: Wariye Mohamed Mussa inji on Feb 14 2008, 11 23
Email: Wariye Mohamed Mussa inji :news@somalilandnet.com
News Archives - Print News - Translate - Submit News - Email this Article