somaliland.net

Shirjaraa,id uu Maanta Xafiiskiisa ku qabtay Wasiirka Qorshaynta ee Somaliland

Feb 13 2008 (Somaliland Net) - Wasiirka wasaarada qorsheynta mudane cali sanyare ayaa saaka waxa uu xafiiskiisa ku qabtey shir jaraa,id oo balaadhan oo ay ka soo qayb galeen Duqa caasimda mudane Jiciir Guddiga dhismaha biriijka labaad ee caasimada hay,adaha qaramada midoobey iyo kuwa caalamiga ah ee dalka jooga.

Wasiirka qorsheynta cali sanyare oo halkaasi hadal dheer ka soo jeediyey waxa uu si qoto dheer uga waramay habsami usocodka hawlaha bariijka isla markaana waxa uu sheegey in loo baahan yahay sidii hay,adaha dalka jooga uga qayb qaadan lahaayeen hawshaasi.

Uga danbeyntii hay,adahii ka soo qayb galay shirkaasi Maanta waxa ay sheegeen in codsigii ay gaadhsiin doonaan xafiisyadooda sare (head offices) si dhakhso ahna uga soo jawaabi doonaan waxaana shirkaasi ku dhamaaday is afgarad iyo jawi fiican.

Posted by Wariye Mohamed Mussa inji
Hargeysa
Somaliland

News Posted By: Wariye Mohamed Mussa inji on Feb 13 2008, 11 37
Email: Wariye Mohamed Mussa inji :news@somalilandnet.com

News Archives - Print News - Translate - Submit News - Email this Article