somaliland.net

Kooxdii Budhcadda ahayd ee Afduubtay Ninkii Jarmalka ahaa oo Gacanta lagu soo dhigay

Feb 13 2008 (Somaliland Net) - Wasiirka wasaarada Arrimaha gudaha ee JSL mudane C/laahi ismaaciil cali Cirro ayaa Maanta sharaxaad ka bixiyey hawgalkii lagu soo furtay ninkii Jarmalka ahaa ee shalay lagu qafaashay Deegaanka ceerigaabo ee gobolka sanaag.

Wasiirka Arimaha gudaha JSL mudane c/laahi ismaaciil cali ciro waxa uu sheegey in si weyn loogu hawlgalay sidii loo soo dayn lahaa ninkaasi jarmalka ah taasi oo si balaadhan uga hawl galeen ciidanka qaranka JSL iyo ciidanka booliska, maamulka gobolka sanaag, iyo dadweynaha degaankaas.
Wasiirka Arrimaha gudaha ee Somaliland waxa uu sheegey in habeenkii xalay 3:00 Ganacta lagu dhigay ninkii Ajanabiga ahaa ee la qafaashay iyadoo laga dhaawacay burcadii haysatey laba nin wasiirku waxa uu sheegey inaanay budhcadu ku badbaadayn dalka JSL oo meel kasta si sahlana la soo qaban doono isagoo tilmaamay in ninkaas jarmalka ah inuu caafimaadkiisu uu wanaagsan yahay. Isla markaana uu ku faraxsan yahay soo dhaweyntiisa .
Wasiirka arrimaha gudaha ee JSL waxa caalamka ugu baaqay inaanay budhcadu dalka hoy u noqoneyn oo ay ku dhuuman Karin waxaana mahadnaq balaadhan u soo jeediyey cidii ka qayb qaadatey qabashada budhcadaasi iyo soo deynta ninkaas ajaanibka ah ee ay qafaasheen .

Posted by Wariye Mohamed Mussa inji
Hargeysa
Somaliland

News Posted By: Wariye Mohamed Mussa inji on Feb 13 2008, 11 22
Email: Wariye Mohamed Mussa inji :news@somalilandnet.com

News Archives - Print News - Translate - Submit News - Email this Article