Kusimaha Gudoomiyaha Gollahaasi ayaa muddanayaal ku wargeliyey in ay soo dhamaatay dooddii iyo fikirkii ay xildhibaanada ka dhiibteen ajandaha kalfadhiga 35aad ee gollaha guurtida , intaasi ka dib waxa cod loo qaaday ansixinta ajandaha waxaana ogolaaday 49xildhibaan waxaana diiday hal mudane Gudoomiyuhu muu codayn sidaas ayaanu ku ansaxmay. Ajandaha kalfhiga 35aad ee gollaha guurtida ayaa waxa uu ka kooban yahay. 1) warbixinta gudida joogtada ah 2) xog-waran ku saabsan wufuudi dawlada ee gurmadka ku tegey gobolka awdal. 3) Arrimaha nabad gelyada . 4) Arrimaha siyaasada. 5) Xogwaraysiyo lala yeeshay 9 wasaaradood , duqa caasimada iyo taliyaha xabsiyada. Sidoo kale waxa ka mid ah qodobada kalfadhiga 6) wax ka bedelka xeerka nadab gelyada wadooyinka. 7) Xog-ogaal u noqoshada xaaladaha gobolada sool. Sanaag. Iyo degmada buuhoodle iyo wixii kale ee soo kordha
Posted by Wariye Mohamed Mussa inji Hargeysa Somaliland
News
Posted By: Wariye Mohamed Mussa inji on Feb 12 2008, 11 50
Email: Wariye Mohamed Mussa inji :news@somalilandnet.com |