Madaxweynaha Somaliland oo Maanta Dhismayaal Xadhiga ka Jaray Socdaal kedis ahna ku tagay Madaarka Cigaal international Airport
|
Feb 12 2008 (Somaliland Net) - Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa manta xadhiga ka jaray dhisme weyn oo laba dabaq ah oo loo dhisay Wasaarada Waxbarashada Somaliland iyo dhisme kale oo loo sameeyay Macalimiinta dugsiyada Hoose/dhexe ee gobolka Maroodi Jeex , taasi oo lagu tababari doono Macalimiinta Wax ka dhiga Dugsiyada Hoose Dhexe. |
|
|
Madaxweyne Rayaale oo hadal dheer oo mahad naq iyo dar daran isugu jira halkaas ka soo jeediyay waxa uu hadalkiisa ku bilaabay mahad naq uu u soo jeediyay bahda Wasaarada Waxbarashada Somaliland , waxaanu yidhi ‘’Marka hore waxaan mahad naq u soo jeedinayaa bahda Waxbarashada Wasiir ilaa Macalin iyo dhamaan inta ka shaqaysa Waxbarashada dalkan oo aan is leeyahay waxay ka soo bilaabeen meel hoose waxaanay marinayaan meel lagu faani karo’’. Madaxweynuhu waxa kale oo uu sheegay inay mar kasta oo ay dibada u baxaan wadamada dunida ay kala hadlaan laba arrimood oo kala ah Waxbarashada iyo Caafimaadka , kuwaasi oo Wax badani ka qabsoomeen. Madaxweynuhu wuxuu intaas raaciyay in sida looga faa’iidaysto uun ay hay’ahahaasi iyo wadamada dunidu ay wax ula qaban karaan Wasaarada Waxbarashada. Mudane Rayaale waxa uu intaas raaciya dardaaran dheer oo ku saabsanaa dugsiyada farsamada in culayska la saaro oo marka ay ardaydu dugsiyada dhexe ay dhamaystaan ay galaan oo ay u helaan xirfad ay ku shaqo tagaan isl markiiba , iyadoo ay dugsiyada sare ka baxaan , arrintaas oo sida Madaxweynuhu uu sheegay meelo badan lagaga dooday , waxaanu tilmaamay in dugsiyada SOS ee Magaalada Sheekh laga dhisayo qaybo farsamada gacanta dugsigaas oo lagu jiri doono muddo shan cisyho ah , halkii uu ka ahaan jiray saddex sano . Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay in dugsigii Sheekh ay jirto dib u dhac ku yimid , waxana uu sheegay in la soo ururin doono Macalimiintii hore wax uga dhigi jirtay dugsigaasi. Agaasimaha Guud ee Wasaarada Waxbarashada Somaliland Mudane Cali Cabdi Odowaa ayaa isna faah faahin ka bixiyay qaybaha uu ka kooban yahay dhismahani , isagoo sheegay inuu ka kooban yahay Afar qaybood oo kala ah: 1. Bakhaar weyn oo lagu kaydiyo wixii agab ah ee Waxbarasho ah 2. Hool weyn oo shirarka loogu tallo galay , taas oo aanay hore Wasaaradu u lahayn oo ay shirarka bishii mar ay ku qaban jireen goobo kale 3. Xafiiska Wasiirka iyo qaybta kale oo ah xafiiska Agaasimaha guud. Waxa isna warbixin dheer halkaas ka soo jeediyay Wasiirul dawlaha Wasaarada Waxbarashada JSL Mudane Maxamuud Garaad Maxamed oo warbixin dheer oo ku saabsan heerarkii iyo Marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay Waxbarashada dalku gobollada iyo degmooyinka, Warbixintaas oo ku salaysnayd ugabaynta dugsiyada Korodhka Baahiyaha Waxbarashada iyo tirada ardayda oo sii siyaadaysa. Dhismahana cusub waxa Maal galisay Hay’adda DFID , iyadoo u soo marisay Hay’adda UNICEF. Dhinaca Kale Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin waxa uu uga sii gudbay Dhinaca dugsiga Maxamuud Axmed Cali , halkaasi oo uu Xadhiga ka jaray dhisme kale oo loo sameeyay Macalimiinta dugsiyada Hoose/dhexe ee gobolka Maroodi Jeex , taasi oo lagu tababari doono Macalimiinta Wax ka dhiga Dugsiyada Hoose Dhexe, waxana uu uga sii gudbay Madaarka oo uu soo kormeeray sida ay hawluhu u socdaan.
Posted by Wariye Mohamed Mussa inji Hargeysa Somaliland
News
Posted By: Wariye Mohamed Mussa inji on Feb 12 2008, 11 46
Email: Wariye Mohamed Mussa inji :news@somalilandnet.com |
|