Wasiirka Duulista oo si Kulul u Cambaareeyey Tallaabada Hay’adda ICOA ku Joojisay Hawlihii ay ka Waday Madaarka.
|
Feb 11 2008 (Somaliland Net) - Hargeysa - Wasiirka Duuliska Hawada iyo Gadiidka Cirka Somaliland Md. Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa ku eedeeyey masuuliyiinta hay’adda ICOA ee Qaramada Midoobay u qaabilsan duulimaadyada hawada in ay dayactir ku sameeyaan iyo wax-ka-qabashada madaarrada Somaliland.
|
|
|
Md. Warran-cadde oo dabajoogay hay’adda ICOA oo maanta [shalay] shaqadii ka joojisay shaqaalaheeda ka hawlgali jiray Madaarka Egal International Airport ee magaalada Hargeysa, ayaa waxa uu sheegay in aannu shaqsiyan isagu ka warhayn sababta hay’adda ICOA shaqadii uga joojisay shaqaalaheeda.
“Wallaahi; sabab ay u joojisay garan maayo, laakiin horta nimanka [ICOA] hay’ad maaha ee NGO ahaan ayey barigii UNISOM koonfurta [Soomaaliya] timi kontaraad la gashay, marka halkan nin wakiil ka ah ayaa u jooga, xafiiskooduna waxa uu ku yaal Nairobi. Waxay ahayd inay lacagta diyaaraha ka qaadaan, illeyn iyagaa diyaaraha hawadeenna mara lacagta ka qaatee ay dayactiraan garoonka [Hargeysa] oo ran-way-giisu dildillaacsan yahay, markaa marar badan baannu u sheegnay inay ranway-gaa dildillaacsan wax ka qabtaan, kadibna dhowr sannadood ayey waxba ka qaban waayeen, dabadeedna ninkii wakiilka u ahaa ee halkan joogay ayaan warqad u qoray aan u sheegayo waxa aannu donayno, kadibna markii uu xaggaa [Nairobi] tagay ayey [shaqadii] ka joojiyeen shaqaalahoodii.”
Wasiirka oo la weydiiyey cidda u buuxin doonta hawlihii ay madaarka ka qaban jireen shaqaalaha shaqada laga joojiyey ee hay’adda ICOA, maadaama ay hawlaha ugu culus u qaban jireen sida Taawarka oo ah goobta laga hago diyaaradaha oo dhan iyo dab-demiska garoonka waxa uu yidhi; “Wallaahi wax dam-demis ah oo nimanka meesha u yaalay may jirin, laba haamood oo yaryar oo ah kuwa taayirada ayaa u yaallay, waxna may qaban jirin ee diyaaraha ayuun bay la hadli jireen, markaa waxay ahaayeen niman aan garoonka dan ka lahayn.
Barigii hore waxa jooji jiray niman caddaan ah oo mar-mar wax qaban jiray, laakiin iminka waxa jooga Sawaaxili aan dan ka lahayn. Waxay doonayeen in aynu go’doon ahaanno oo aynaan adduunyada la xidhiidhin, laakiin iminka shaqadu caadi ayey u socotaa oo adduunyadii oo dhan waxaynu kala xidhiidhaynaa taawarkeenna, shaqadii ay qaban jireena waxa qabanaya shaqaalaha madaarka oo ku filan.”
Mar ka waydiiyey Wasiirka arrintani faa’iido iyo khasaare midkay u keenayso Somaliland waxa uu ku jawaabay; “Adduunyada innaga mooyaane cid lacagtooda Sawaaxili qaataa ma jiro. Markaa faa’iido ayey innaga inoo tahay dhan walba, maxaa yeelay lacagteenii oo dhan iyaga ayaa qaadan jiray. Nimankani waa Sawaaxili madmadow oo xaarkooda kama kacayaal ah.”
Sidoo kale isaga oo ka jawaabayey su’aal ahayd inta badan madaarka waxa la sheegaa in aannu shaqaalahiisu lahayn kala dambayn, markaa arrintani oo ah hawl culus oo ku soo korodhay sida ay u saamaynayso shaqaalaha waxa uu yidhi; “Ninku haddii uu shaqadiisa qabsan waayo dee isagaa daraygaa is dhigay, markaa innaga ayaa wax isyeelayna. Waxaan ku boorrin doonaa shaqaalaha inay si wanaagsan shaqada u qaban doono.”
jumhuriya
News
Posted By: Abdirisak suleman on Feb 11 2008, 15 31
Email: Abdirisak suleman:news@somalilandnet.com |
|