Faallo:Halkee Ayuu ku Danbeeyay Ururkii Dawladaha Hoose ee Somaliland ee la Aasaasay Sanadkii Hore Maxaa,se uqabsoomay ?
|
Feb 11 2008 (Somaliland Net) - Waxaynu ogsoonahay in Wakhti laga joogo Hal Sanno la Sameeyay Urur Lagu Magacaabo Ururka Dawladaha Hoose ee Somaliland kaasi oo lagaga Dhawaaqay Magaaladda Hargeysa .
|
|
|
Ururkan Dawladaha Hoose oo uu Gudoomiye loo Doortay Maayarka Magaalada Hargeysa oo ahaa ayaa waxa Ururkaasi ku Bahoobay Dawladaha Hoose ee Degmooyinka Dalku ka Koobanyahay .
Haddaba Waxa aynu ka Dheregsanahay in Ururkaasi aan si Balaadhan uhawlgelin taasoo Macnaheedu yahay Waxa Dhaqdhaqaaqii Ururka loo Qorsheeyay iyo Hawlahiisii ay ku Koobnaadeen Gudoomiyaha Ururkaasi oo ah Maayarka Caasimadda Hargeysa halkay ahayd in Maayaradii kale ay Hawlihii Ururka loo Sameeyay ka hawlgalaan si wada jir ah waxay Keentay Markaasi in Ururkaasi oo Qorshihiisu ahaa in ay ku Xidhmaan Mustaqbalka Dawladaha Hoose ee Caalamka iyo Dadka reer Somaliland ee Dalka Dibaddiisa ayaa Dhamaan Hawlahaasi ay Noqdeen Hal Bacaad lagu Lisay .
Ururkan Dawladaha Hoose ee Somaliland oo la doonayay in Loo Sameeyo Website Noqda Weelka ay kula Xidhiidhaan Caalamka Dawladaha Hoose ee Dalka ay Noqday Gaabis ah oo sababaha Gaabiskaasina ay u ahaayeen Maayarada Gabiley iyo Berbera oo iyagu Rabshado Golayaasha Deegaanadooda ku Mashquulay oo Toodii Cuslaysay kuwaasi .
Haddaba Maadaama Wakhtigii Golayaasha Deegaanada ee Dalka wakhti yar ka Hadhsanyahay Xiligii uu ku dhamaa Xilkoogu Ururkani ma waxa uu Noqon Doonaa Mid uhorseeda inay Dib Mardanbe isugu soo sharaxaan kuwii Joogay inay Mar Danbe isku soo sharaxaan , ujeedada Ururkaasi siduu Noqon karaa , Ma Hadda oo Xeedho iyo Fandhaal kala Dhaceen oo Wajiyo Cusub oo Waxqabad qabta la Doonayo Cid kastaana ka Markhaati kacayso in Golayaasha deegaanka ee Dalka ka jira Aan Habkii lagu soo Doortay aan laga fiirsan Maanta Ummadda reer Somaliland waxay Dhamaan ku Tuun tuunsanayaan inay Doortaan Xilidhibaano Gole Deegaan Cusub oo Wax qaban kara oo aan Hadhow Farta Dhexda laga Qaniinin sidii Dhacday Markii Hore .
Xafiiska Somalilandnet Hargeysa Somaliland
News
Posted By: Wariye Mohamed Mussa inji on Feb 11 2008, 11 49
Email: Wariye Mohamed Mussa inji :news@somalilandnet.com |
|