Somaliland Net,Your Gateway to Somaliland

Home | BBC Somali 11:00 | BBC Somali 14:00 | BBC Somali 18:00 | Discusion Board | Somaliland Netpal
 SOMALILAND NETWORK
Country Profile

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta ee Somaliland oo Maanta soo Xidhay Aqoon-isweydaarsi ku Saabsan sidii loola Tacaali lahaa Cudurka Aafadda ah ee HIV/Aids


    News Archives   Printable view   Email this Article   Translate   Submit News  


Feb 11 2008 (Somaliland Net) - Wasiirka Diinta iyo Awqaafta ee Jamhuuriyada Somaliland Mudane Sheekh Maxamuud Macalin Suufi Muxumed ayaa Maanta soo Xidhay Aqoon-isweydaarsi ku Saabsan sidii loola Tacaali lahaa Cudurka Aafadda ah ee HIV/Aids , oo in ku dhaw 60 Xubnood oo ka kala Socotay Culamaa,udiinka Gobolada iyo Degmooyinka Dalka .


Aqoon-isweydaarsigan oo ay soo Qabanqaabisay Hay,adda Komishanka Qaranka ee HIV/Aidska ayaa Waxa uu Socday Muddo Sedex Cisho ah .
Xidhitaankii Aqoon-isweydaarsigan oo uu hadal kasoo jeediyay Wasiirka Diinta iyo Awqaafta ee JSL Mudane Sheekh Maxamuud Macallin Suufi Muxumed ayaa usheegay Culimaa,udiinku inay Door Fiican oo Wacyigelin ah looga Baahanyahay inay ka Qaataan sidii Dadka looga Wacyigelin lahaa Siyaabaha looga Hortagi Karo Aafaddan Maanta Dunida ku Habsatay , isagoo sheegay Wasiirku in Cudurkan HIV/Aids Yahay Ciqaab Eebe waxaanu Wasiirku kula Taliyay Bulshada Somaliland si ay uga Badbaadaan Xanuunkan in ilaahay la Baryo Waxaanu Xusay in Diinteenu Horeba inooga Digtay Waxyaabaha Keena Cudurkan oo ah Macsida .

Wasiirku isagoo Hadalkiisa sii wata wuxuu Culimada kula Dardaarmay in Macluumaadkii ay Tobabarkan ka heleen ay ugudbiyaan Mujtamaca .
Agaasimaha Guddiga Qaran ee HIV/Aidska iyo Madax kale ayaa iyana halkaasi ka Hadlay .

Posted by Wariye Mohamed Mussa inji
Hargeysa
Somaliland






News Posted By:
Wariye Mohamed Mussa inji on Feb 11 2008, 11 12
Email: Wariye Mohamed Mussa inji :news@somalilandnet.com

Advertise with us
 



CONTACT INFORMATION.




| Home | Add a Site | Modify a Site | What's New | What's Cool | Top Rated | Random Link | Privacy Statement | Contact Us  
Copyright © 1998 Somaliland Net - This site has been optimized for 4.0+ Browsers.