Somaliland Net,Your Gateway to Somaliland

Home | BBC Somali 11:00 | BBC Somali 14:00 | BBC Somali 18:00 | Discusion Board | Somaliland Netpal
 SOMALILAND NETWORK
Country Profile

Maamulka Degmada sallaxley ee gobolka maroodi jeex ayaa Maanta ku wareejiyay Gudida taakulaynta 640 Neef oo adhi ah


    News Archives   Printable view   Email this Article   Translate   Submit News  


Feb 10 2008 (Somaliland Net) - Maamulka Degmada sallaxley ee gobolka maroodi jeex ayaa Maanta ku wareejiyay Gudida taakulaynta 640 Neef oo adhi ah oo ay ugu deeqeen ciidamada qaranka ee jiida hore.


Tuulada Toon waxaa ka soo qayb galay wasiirada gaashaandhiga , qorsheynta qaranka , duulista iyo hawada , dib u dejinta , gudoomiye ku xigeenka gobolka maroodi jeex. Xubin ka tirsan Gudida taakuleynta heer qaran, maamulka degmada , maadax dhaqameedyo iyo waxgarad kale.

Gudoomiyaha degmada sallaxley c/rashiid macalin muuse oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegey in deeqdan oo loogu tal galay ciidamada qaranka ay bulshada deegaanka degmada salaxley ay kaga qayb qaadanayaan hawlaha taakuleyneed waxaanu intaasi ku daray oo uu balan qaaday in todobaadka soo socda ay keeni doonaan 350neef oo kale oo haatan ay soo dhamaystireen ururintiisa.

Gudoomiyaha kuxigeenka gobolka maroodi jeex cali cawil ayaa u mahadnaqay maamulka iyo dadweynaha degmada salaxley ee sidda weyn isaga xilsaaray sidii ay u soo ururin lahaayeen taakuladan waxaanu Gudoomiye kuxigeenka ku wareejiyay deeqdan xoolaha ah xildhibaan maxamed cismaan libaaxo oo xubin Gudida heerka qaran ee taakuleynta gobolada bari waxaanu xildhibaanku sheegey in ay gudi ahaan ay sameyn karan qiimeyn ku saabsan sida loogu kala horeeyo taakuleynta.
Ugu wareejinayaan .
intaasi ka dib waxa uu xildhibaan maxamed cismaan oo si rasmi ah taakulayada ugu wareejiyey wasiirka wasaarada gaashaan dhiga ee JSL mudane c/laahi cali ibraahim wasiirka oo Gudoonsiinta hal ka jeediyey ayaa ku amaanay shacbiga degmada sallaxley sida xilkasnimada iyo wadanimada sida dadweynaha deegaankaa degmada sallaxley ay u xasuusan yihiin ciidamda ku sugan jiida hore ee xuduuda qaranka .

Wasiirka gaashan dhiga waxa uu xusay in ay deeqdan ay si deg deg ah u gaadhsiinayaan ciidamada qaranka .

Intaasi ka dib GUdoomiye kuxigeeenka gobolka maroodi jeex ayaa shahaado sharaf gudoon siiyey xubno uu duqa degmada sallaxley u soo xulay soo ururinta deeqdan xoolaha ah ee gacanta ay ka geysteen.

Posted by Wariye Mohamed Mussa inji
Hargeysa
Somaliland






News Posted By:
Wariye Mohamed Mussa inji on Feb 10 2008, 11 52
Email: Wariye Mohamed Mussa inji :news@somalilandnet.com

Advertise with us
 



CONTACT INFORMATION.




| Home | Add a Site | Modify a Site | What's New | What's Cool | Top Rated | Random Link | Privacy Statement | Contact Us  
Copyright © 1998 Somaliland Net - This site has been optimized for 4.0+ Browsers.