Wasaarada Hidaha iyo Suugaanta ee Somaliland oo Qorshaynaysa inay Tartan Heesaha Hirgalay ah ka Sameyso Somaliland ma Noqon doonaa,se Mid Cadaali ah
|
Feb 10 2008 (Somaliland Net) - Agaasimaha Guud ee wasaarada Hidaha iyo dhaqanka somaliland xasan ismaaciil ayaa maanta shiir jaraa,id ku qabtey xafiiskiisa faahfaahina kaga bixiyey barnaaamij cusub oo loogu magac daray Heesaha Hirgalay. |
|
|
Agaasimuhu waxa uu sheegay hawshan inay iska kaashanayaan koox dhalinyaro reer Somaliland ah iyo wasaarada hidaha iyo dhaqanka barnaamijkani uu yahay mid lagu tartarsiinayo fanaaniinta da.da yar si loo nooleeyo fanka loona soo saari lahaa jiil cusub oo fanka horumar leh la yimaada.
Barnaamijkan oo bilaabmi doona 10ka march 2008 ayaa wuxuu noqon doonaa mid gobolada Somaliland si isku mid ah looga soo wada xuli doono.
Waaxda Fanaaniinta ee Wasaarada Hidaha iyo Dhaqanka ayaa Waxa si weyn Loogu dhaliilaa inay Xuurtaysteen Fankii ay ahayd in Jiilka Cusub ee Fanka kusoo Biiraya ee soo baxaya inay Cadaadis ay ku hayeen sidii loo Aqoonsan lahaa iyadoo culays badani kaga imanayay Maamulka Waaxda Fanaaniinta .
Haddaba Hadii Arrintani ay Dhab Ka tahay Waaxda Fanaaniinta Somaliland inkastoo ay Jiraan Fanaaniin Jecel in ay Jiilka Cusub soo saaraan haddana waxaa aynu Odhan karnaa Maamulka Waaxdaasi waxa ay Ka Xuurtaysteen inay xataa Fanaaniin loo Aqoonsado Tobaneeye Dhalinyaro ah oo Maanta La Yimid Heeso Badan oo Hirgalay oo Dalka Jooga iyo Kuwo Badan oo Dibadda kaga Maqan oo Maalin Maalmaha ka Mid ah la Kulmi Doona Markay Yimaadaan Caqabadan ay isku xeereen Maamulka Waaxda Fanaaniinta ee Somaliland .
Abwaanada Somaliland iyagu Arrintaasi way ka fayowyihiin waxaanay Goor kasta iyo ilaa Maantadan ay lahaayeen waanu Soo saaraynaa Jiil cusub , cidii la timaada Hees iyo Cod wanaagsana waanu soo saaraynaa Sida uu sheegay Maanta Abwaan Aadan Tarabi oo ku Hadlayay Magaca Abwaanada Somaliland .
Maadaama haddaba aynu ka warhayno Dhaqaalaha Dalkeenan Somaliland ma ku guulaysan Doonaan Waaxda Fanaaniinta ee Somaliland inay si Cadaali ah usoo saaraan Jiilka Cusub ee ay Madaxa kaga fadhiyaan ? Dad Farabadan ayaa Aaaminsan in ay Jiraan in ka mid ah Fanaaniinta Somaliland oo Gacan qabta Heesaaga Fanaanka ah ee soo Mudhbaxa balse waxa jirra kuwo Golihii Fanka iskusoo Xayndaabay oo Meel laga Maro aanay Jirin .
Taasina waxa ad ka dareemaysaa Waxa Dhawaan Dhacday Heeso laysku Haysto iyo Waliba Abwaano heeso isu qabsada oo midba Yidhaahdo anigaa Curiyay iyo anigaa lahaa heestaasi oo ku heesay Maadaama hadaba uu Xaal sidaa yahay Maxaa Markaa udiyaar ah Jiilka Cusub ee Fanaaniinta Soo Baxaysa Waa Hadba Dhaqanka ay kaga Duwanaan doonaan ayay Maali Doonaan.
Posted by Wariye Mohamed Mussa inji Hargeysa Somaliland
News
Posted By: Wariye Mohamed Mussa inji on Feb 10 2008, 11 40
Email: Wariye Mohamed Mussa inji :news@somalilandnet.com |
|