Wakiilka Ergayga gaarka ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ujooga Somaliland oo Maanta Kulan la yeelatay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland
|
Feb 10 2008 (Somaliland Net) - Wakiilka Ergayga gaarka ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay
ujooga Somaliland Marwo Sahra Yuusuf Haaji Aadan ayaa Maanta booqasho sharaf ugu timid Wasiirka Arrimaha dibada Mudane Cabdillaahi Maxamed Ducaale, Wasiirka iyo Ergaygu waxa ay ka wada hadleen wada shaqaynta xafiiska Wakiilka QM ee fadhigiisu yahay Magaalada Nayroobi ee dalka Kenya iyo Jamhuuriyadda Somaliland. |
|
|
Waxaanay isku afgarteen sidii loo dar dar gelin lahaa wada shaqaynta ka dhaxaysa Xafiiskaas iyo xukuumada JSL .
Marwo Sahra Yuusuf Xaaji Aadan ayaa Dhawaan loo soo magacaabay Ergayga Wakiilka Xoghayaha guud ee QM uqaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya xafiiskooda ay ku leeyihiin Somaliland , kulankaasina waxa uu ku dhamaaday Jawi is afgarad iyo is faham.
Posted by Wariye Mohamed Mussa inji Hargeysa Somaliland
News
Posted By: Wariye Mohamed Mussa inji on Feb 10 2008, 10 52
Email: Wariye Mohamed Mussa inji :news@somalilandnet.com |
|