Kalfadhigii 35-aad ee Golaha Guurtida oo Saaka Ka furmay Xarunta Golaha
|
Feb 10 2008 (Somaliland Net) - Waxa Saaka xarunta Golaha Guurtida Somaliland ka furmay Kalfadhigii 35-aad , waxana Xildhibaanada fadhiyay fadhigan loo qaybiyay Ajande ka kooban Toddoba qodob.
Gudoomiye ku xigeenka Kowaad ee golaha Guurtida, Md Sh Axmed sh Nuux Furre, ayaa si rasmi ah u furay kalfadhigan , waxana ka soo qayb galay 42 Mudane . |
|
|
Sh Axmed Sh Nuux, ayaa ka hadlay hawlaha golaha u yaala, waxaanu yidhi “Kalfadhigani waa kii 35-aad ee aqalka odayaasha, waxyaabo fara badan oo wax ku ool ah ayaa muddadii golahu fasaxa ahaa dalka ka qabsoomay, oo ay ka mid yihiin wufuud Somaliland ka tagay iyo kuwo yimidba, waxyaabo badan oo hadda bilow ahina way inagu soo wajahan yihiin”. Gudoomiye ku xigeenka kowaad ee golaha guurtidu, waxa uu sheegay in ay suurto gal tahay in gudiyo loo diro gobolada Sool iyo Sanaag. “Waxa aad iyo aad loogu baahan yahay in Sool iyo Sanaag gudiyo guurtida ka tirsan loo diro waxana aad iyana loogu baahan yahay in gudaha dalka aad loogu foorarsado”ayuu intaas ku daray. Sh Axmed Sh Nuux, waxa uu xildhibaanada Golaha ugu baaqay inay ka soo baxaan xilkooda oo aanay ka habsaamin Golaha. Sidoo kale waxa Mudaneyaasha loo qeybiyay ajande ka kooban 7 Qodon, oo ay soo naaqishayan muddo hal maalin ah, kadibna waxay gudo galayaan dooda ajandaha. Ajnadaha kalfadhiga 35-aad ee golaha guurtidu waxa uu u qornaa sidan “ Warbixinta Guddigga Joogtadda. Xog-ogaal u noqoshada xalaadka Goboladda Sool, Sanaag & Degmadda Buuhoodle. Arrimaha Siyaasadda. b. Gudaha t. Dibedda 4) Arrimaha Nabad-gelyadda. b. Gudaha t. Derisyada 5) Xog-waraysi lala yeesho. b. Talliyaha xabsiyadda. t. Wasaaradda Waxbarashada. j. Wasaaradda Caafimaadka. x. Wasaaradda Arrimaha Gudaha. 6) Wax-ka-bedelka Xeerka Nabad-gelyadda Wadooyinka. 7) Waxyaabo kale (any other Bussines)
Posted by Wariye Mohamed Mussa inji Hargeysa Somaliland
News
Posted By: Wariye Mohamed Mussa inji on Feb 10 2008, 03 02
Email: Wariye Mohamed Mussa inji :news@somalilandnet.com |
|