Somaliland Net,Your Gateway to Somaliland

Home | BBC Somali 11:00 | BBC Somali 14:00 | BBC Somali 18:00 | Discusion Board | Somaliland Netpal
 SOMALILAND NETWORK
Country Profile

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee JSL oo Maanta ka qaybgalay Shir Lagaga Hadlayay Adkaynta Nabadgelyada


    News Archives   Printable view   Email this Article   Translate   Submit News  


Feb 09 2008 (Somaliland Net) - Wasiirka Wasaarada Arrimaha Guddaha ee Somaliland Md. C/laahi Ismaaciil Cali "Cirro" oo ay Weheliyaan Duqa Caasimada iyo Kuxigeenkiisa ayaa Maanta ka Qaybgalay Shir balaadhan oo lagaga hadlayay Adkaynta Nabadgelyada oo lagu Qabtay Xarunta Degmada Ibraahim Koodbuur ee Caasimadda Hargeysa .


Kulankan waxa kale oo kasoo qaybgalay Taliyaha Ciidanka Booliska ee Qaybta Galbeedka, Dhalinyarada Ciyaartoyga ah iyo Waalidiin .
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Somaliland C/laahi Ismaaciil Cali "Cirro" ayaa Hadal Tallo iyo Tusaale isugu jirra oo uu halkaasi kasoo jeediyay ayuu ku Booriyay in aanay Dib udhicin Dhacdo Maalin dhaweyd ka dhacday Garoonka Xarunta Agoomaha oo ay ku Ciyaarayeen Laba Kooxood oo Markii Danbe Rabshado uu Wiil yari ku dhintay isu rogay .

Duqa Caasimada Hargeysa Injineer Xuseen Maxamuud Jiciir oo Madashaasi ka hadlay ayaa ka waramay Faa,idada ay Nabadgelyadu leedahay waxaanu Duqa Caasimadu Sheegay inay Dawladda Hoose ay Maanta Bilowday dib uhagaajinta iyo Dayactirka lagu samaynayo Garoonka Kubadda Cagta ee Dugsiga Axmed Dhagax oo udhaw Xarunta Degmada Koodbuur .

Posted by Wariye Mohamed Mussa inji
Hargeysa
Somaliland







News Posted By:
Wariye Mohamed Mussa inji on Feb 09 2008, 07 51
Email: Wariye Mohamed Mussa inji :news@somalilandnet.com

Advertise with us
 



CONTACT INFORMATION.




| Home | Add a Site | Modify a Site | What's New | What's Cool | Top Rated | Random Link | Privacy Statement | Contact Us  
Copyright © 1998 Somaliland Net - This site has been optimized for 4.0+ Browsers.