Wareysi uu Wariye Caafi la yeeshay Wasiirul Dawlaha Arrimaha Gudaha Somaliland
|
Feb 08 2008 (Somaliland Net) - Wasiirul Dawlaha Arrimaha Gudaha Somaliland Mudane Xasan Axmed Ducaale ayaa Waraysi uu kula yeeshay Magaalada Boorame Weriye Abokor Xasan Caafi uu kaga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin Wefdi Wasiiro ah oo Deeq gurmad ah gaadhsiiyay dadkii ku bara kacay Baki , Lughayaha iyo Saylac. |
|
|
Waraysigaasina wuxuu u dhacay sedan:
S:Waxaa maalmahanba ku sugnaa meelihii ay dhibaatadu ka dhacday gudi wasiiro ah oo u kuur galayey baaxada ay le’eg tahay musiibadii ku habsatay deegaano ka mid ah degmooyinka Saylac, Lughaya, iyo Baki waxaana ka mid ah gudigaas mudada maalmaha ah ku sugnaa halkan (Boorame), wasiiru dawlaha wasaarada arimaha gudaha Xasan Axmed Ducaale oo loo yaqaano (Xasan Macalim) waxaanan ugu horayn waydiinay dhibaatadu in ay le’eg tahay iyo kaalmada ay gaadhsiiyeen? Jawaab: aad baad u mahadsan tahay runtii mudo sadex habeen iyo afar maalmood ayaan ku sugnayn gobolkan,sidii wararka lagu hayeyna waxaa meesha ka dhacay masiibo Rabaani ah oo roobkii aan Ilaahay baryeynay oo nooc kale ah ayaa da’ay waxaanan soo aragnay dad aad u dhibaataysan iyo xoolaha oo marka horeba liitay oo wayd ah, intiina ayba dhaaftay hada oo dhibaatadu dadka iyo xoolahaba way soo gaadhay wixii yaraa ee ay dadku faraha ku hayeena way ka madhan yihiin maanta, runtii dhulkii ay dhibaatadu ka dhacday doog ayaa ka soo baxay hadana dadku waxay lee yihiin waxba tari mayo, waayo xooluhu ilaa imikana way dhimanayeen , laakiin kuwa xaga oogada ka soo dhaadhacay waxaad moodaa xoolahooda in ay wax u taraysay kuwa meesha sii joogay xoolaha yar ee u hadhay laftooda doogan yari waxba uma soo kordhin oo tundooda ayey ka muqataa, dhibkiina wali way taagan tahay xiligana waa jiilaal badhtankii . Su’aal: Markaa Wasiir imika waxaad gaadhsiiseen ee kaalmo ahaan u siiseen maxaa ka mid ahaa?. Jawaab: Dawladu raashin bay gaadhsiiyey.
Su’aal: Ilaa imisa tan ayuu ahaa waxa aad gaadhsiiseen?
Jawaab: Wuxuu ahaa ilaa dhawr iyo todobaatan Tan oo dhawr iyo labaatan goobood oo dadkaa lagu ururiyey, waxaana ka mid ahaa Bariis, Daqiiq, Timir, Saliid iyo noocyo kale .
Su’aal: Md wasiir ma jiraan waxyaabo danbe oo aad dadkan u qabinaysaan mise gurmadkiinu intaas ayuu ku eg yahay oo ay dadku ku qancayaan baad isleedahay?
Jawaab: Maya qorshe balaadhan ayaa la galayaa waxay ahayd wasiirdu in aaanay fara madhan la tegin oo xukuumadu wax iska horeysiiso oo ay hay’ado iyo xukuumadba qorshe balaadhan ayaa la galayaa oo lagu gudo jiraa oo waxay ku noolaan lahaayeen loo helo ilaa mudo laba todobaad dawladu way ku dhex wareegaysay oo waxaa layskula laaban doonaa qorshe sugan.
Su’aal:Tiro koob sugan oo dadka dhibaatadu gaadhay ama inta qoys ee ay ka kooban yihiin ma soo hesheen oo hada ma noo sheegi kartaa tiradooda?
Jawaab: Horta taas way iska yara adag tahay xaga xoolaha waxay sheegayaan 30,000 ilaa 60,000 hadii tan ugu yar la qaato xataa ma yara tiradu waa badan tahay,xaga qoysaska Baki oo kale ilaa 1500 oo qoys Lughayana 3000 oo qoys ayey noo sheegeen, laakiin tirada ugu yar hadii la qaato maaha wax yar dhibka meesha ka jiraa.
Su’aal: Md wasiir mudo sadex cisho ah ayaad ku maqnaydeen dadkuna ilaa hada waxay sheegayaan qabow saa’id ah oo baraf ayaa na dul fadhiya ayey leeyihiin arintaa sideed u dareenteen?
Jawaab: Walaahi aniga hawdu caadi ayey ila ahayd xaga gubantada waan tagnay buurlaydana sidoo kale caadi ayey ila muuqatay. .
Su’aal: Ugu danbayntii wasiir adigu maxaad NGO yada, xukuumada, iyo dadwaynaha reer S/land u soo jeedin lahayd oo aad odhan lahayd sidii ay wax uga qaban lahaayeen dhibaatada halkaas ka dhacday?
Jawaab:Horta mid dadka dhibku gaadhay ayaan odhan lahaa midna dadka reer Somaliland dadka dhibku gaadhay waxaan odhan lahaa Ilaahay waxa uu arintan oo kale dadka ugu ridaa in ay tawbad keenaan oo ay dhibka daayaan oo ay ka soo noqdaan xumaanta oo dooga hada jira laftiisa hadii ilaahay u tayeeyo wuu ku filan yahay oo wax badan ayuu xoolaha yar ee u hadhay u tarayaa markaa ilaahay shuushka hadii uu ka dulqado waxooga ayaa ku filan mida kale waxaan leeyahay meelahaa ha isugu ururina oo taasi waxay keenaysaa caafimaad xumo xoolihii yaraa oo dayacma ayaa dhici kara ilaahayna ha u noqdaan, dhexdooda siday isku dhaamaan waa in ay wax istararaan soomaalidu galaan bay is aamaahin jirtay ma ah in aan baahi dad kale wax ka sugno.
Posted Wariye Mohamed Mussa inji Hargeysa Somaliland
News
Posted By: Wariye Mohamed Mussa inji on Feb 08 2008, 11 47
Email: Wariye Mohamed Mussa inji :news@somalilandnet.com |
|