Gudoomiyaha Ururka Samo-falka Ee Gaaroodi Oo Sheegay Inay Xafiisyo Ka Furan Doonaan Gobolada Somaliland kana Waramay Waxqabadka Ururkaasi ku Salaysanyahay
|
Feb 07 2008 (Somaliland Net) - Gudoomiyaha ururka Horumarinta Geeska Afrika ee Gaaroodi, Ibraahim Ibraahim Macalin Aadan,oo ururkooda uu ka shaqeeyo horumarinta adeegyada Waxbarasho iyo Caafimaad ee gobolka Maroodi-jeex, ayaa shaaca ka qaaday in ay dhawaan rajaynayaan inay xafiisyo ka furtaan gobolada kale ee dalka. |
|
|
Gudoomiyaha ururka Gaaroodi oo dhawaan ka yimid ingiriiska ayaa mar uu u warmayay warbaahinta tafaasiil ka bixiyay hawlaha samo fal ee ay qabtaan, waxana uu yidhi "Waxa aanu ka shaqeynaa horumarinta iyo wax ka qabashada baahiyaha adeegyada waxbarasho iyo caafimaad ee gobolka Hargeysa, waxana aanu dugsi weyn oo boodhin iyo ka caadiga ahba ka furnay degmada Salaxlay, waxana markii hore aanu furnay uu ahaa dugsi hoose imikana waa dugsi Hoose/Dhexe iyo sare, waxaana dufcadii u horeysay ay ka soo baxaysaa haddii alle yidhaahdo sanadka fooda inagu soo haya ee 2009-ka, waana wax ilaahay loogu mahad naqo".
Ibraahim Macalin Aadan, waxa kale oo uu sheegay in ay wax ka qabteen kana qeyb galeen horumarinta goobo caafimaad oo laga dhisay degmada Salaxlay iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolka Maroodi jeex.
"Waxa kale oo aanu urur ahaan ka qeyb qaadanaa wacyi gelinta iyo isu soo dhawayunta bulshada Somaliland, taasi oo muhiim u ah jiritaanka iyo ilaalinta nabad-gelyada dalka, waxana aan ummada ugu baaqaynaa in ay nabadgelyada gacan ka geystaan"Ayuu intaas raaciyay Gudoomiyaha ururka Gaaroodi.
Gudoomiyahu waxa uu sheegay in ururoodu isku dayayo inuu xafiisyo ka furto gobolada dalka, waxaanu yidhi "Waxa haddii alle yidhaahdo noo qorshaysan in aanu gobolada Somaliland ee kale ka furano laamo si aanu ururka u balaadhino.
Ibraahim Macalin,oo la weydiiyay in xidhiidhka ka dhexeeya wasaarada waxbarashada, waxa uu yidhi "Waxa wasaarada Waxbarashada naga dhexeeya xidhiidh iyo iskaashi balaadhan, oo ku saabsan dhinaca waxbarashada ardayda".
Waxaanu Sheegay in ay Dhaqaalaha ay ka helaan Xubnaha Ururku ka Kooban yahay iyo Waliba Sidoo kale Ururada Caalamiga ah
Waxaanu intaa Raaciyay in ay Dhawaan uqorshaysantahay in ay Kormeer kusoo maraan Dugsiyada ay Gacanta ku hayaan Ururkaasi islamarkaana waxa uu sheegay in ay Shahaado Sharafyo abaal marino ah Gudoon siin Doonaan Macalimiinta Dugsiyadaasi ku yaala Jiida Hawdka ee Gobolkan Maroodi Jeex .
Posted by Wariye Mohamed Mussa inji Hargeysa Somaliland
News
Posted By: Wariye Mohamed Mussa inji on Feb 07 2008, 11 32
Email: Wariye Mohamed Mussa inji :news@somalilandnet.com |
|