Madaxweyne Rayaale oo Xafiiskiisa Kulan Kula Yeeshay Madaxa Hay’adda WFP
|
Feb 07 2008 (Somaliland Net) - Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin waxa uu Maanta Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Wefdi ka socda Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cuntada ee loo yaqaano (WFP) oo uu hogaaminayay Mr Peter Goossens , oo ah Agaasimaha WFP u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya. |
|
|
Warsaxaafadeed uu soo saaray afhayeenka Madaxtooyada Siciid Cadaani ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha iyo Wefdigaasi WFP ka socday waxa ay ka wada hadleen arrimo ku saabsan Iskaashiga iyo Wada shaqaynta Xukuumada Somaliland iyo Hay’adda WFP .
Madaxweynaha JSL oo wefdiga hadal soo dhawayn ah u jeediyay waxa uu ugu mahad naqay Kaalmada iyo gargaarka hay’adda WFP ay siiso Somaliland iyo Mashaariicda ay ugu tallo gashay in ay ka fuliso dalka Mustaqbalka soo socda .
Madaxweynuhu waxa uu tibaaxay in ay lagama maarmaan tahay in hay’addaasi xooga saarto Mashaariicda wax ku oolka ah ee baahida weyn ummadu u qabto , sida Quudinta dugsiyada ku yaala dhulka Miyiga , Biyaha iyo Jidadka tuulooyinka.
Waxa kale oo uu Madaxweynuhu wefdiga u sheegay Aafada ka dhacday gobolka Awdal degmooyin ka mid ah , gaar ahaan dhinaca xeebaha oo xoolo fara badani ku le’deen, dad badana ay ku baraca kaceen.
Mr Peter Goossens oo isna hadal kooban halkaasi ka jeediyay waxa uu ugu mahad naqay Madaxweynaha iyo xukuumada Somalilandba soo dhawaynta fiican ee ay u fidiyeen isaga iyo wefdigisaba , waxana uu sheegay in hay’addu intii tamarteeda ah ku dedaali doonto sidii Cuntooyin ugu qaybin lahayd Mashaariicda Wax ku oolka ah iyo Baahiyaha ka jira meelo badan oo Somaliland ka mid ah.
Wefdigaasi waxa kale oo ka mid ahaa Mr Amadon Samake iyo Mr Wilfred Tokpah oo ka mid ah Saraakiisha hay’adda WFP u fadhiya Nayroobi ee qaabilsan Arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya.
Kulankaasi Wefdiga WFP ay la yeesheen Madaxweynaha waxa kale oo goob joog ka ahaa Wasiirka Qorshaynta Qaranka Mudane Cali Ibraahim ‘’Cali Sanyare’’ iyo Agaasimaha guud ee Wasaarada Qorshaynta .
Posted by Wariye Mohamed Mussa inji Hargeysa Somaliland
News
Posted By: Wariye Mohamed Mussa inji on Feb 07 2008, 10 58
Email: Wariye Mohamed Mussa inji :news@somalilandnet.com |
|