Wasiirka arrimaha dibada JSL Mudane C/laahi Maxamed Ducaale waxa uu ka warmay heerarka kala duwanaa ee wasaarada arrimaha dibaa soo martey laga soo bilaabo sanadkii 1991kii markii lagu dhawaaqay JSL wasiirku wax uu ka waramay siyaasada arimaha dibada ee Somaliland ee caalamka, isagoo sheegey inay wakiilo ama safiiro inoo joogaan wadamada ku yaala qaaradaha YURUB. AMEERICA .AFRIKA. YAMAN oo wasiirku sheegay inuu yahay dalka kaliya ee wadamada carabta aynu ku leenahay safiir.
Wasiirku waxa uu ka war bixiyey sida dunidu u danaynayso jiritaanka iyo Gooni isu taaga JSL , waxana uu tilmaamay inay maanta marayso heerkii ugu sareeyey oo si weyn ay u danaynayaan qadiyada Somaliland wadamo waaweyn oo miisaan culus ku leh Caamka , kuwaas oo ay ka mid yihiin wadamo ku yaala yurub iyo dalka Maraykankanka , Midowga Afrika iyo Midowga yuruba.
Wasiirka Wasaarada Arrrimaha Dibadu waxa kale oo uu warbixintiisa ku daray safaradii kala duwanaa ee ay ku kala bixiyeyeen Afrika, Yurub iyo Dalka Maraykanka, waxaanu ka waramay Guulihii ka soo hoyday Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha dibada ee Afrika Jendayi Frazer ku timid dalka , kaas oo uu sheegey inuu ahaa fariin caalaamka ka socota oo ku saabsan qaadiyada Somaliland.
Mudane Ducaale ka hor waxa hadalo kooban oo isugu jira mahad naq iyo soo dhaweyn halkaas ka jeediyey Gudoomiyaha Gudiga joogtada ah ee golaha joogtada ah ee golaha wakiilada Maxamed Barkhad Miigaane, waxaanu sheegey inay iyaguna u yeedheen wasiirka arrimaha Dibada , si uu warbixin uga siiyo siyaasada arrimaha dibada halka ay marayso, taasoo oo sida uu sheegay Gudoomiyuhu ay u gudbin doonaan Golaha intiisa kale marka uu furmo Kal fadhigooda lixaad .
Wasiirka waxa su.aalo kala duwan weydiiyey xubnaha Gudiga joogtada ag ee golaha wakiilada , kuwaasi oo dhamaantood Wasiirka uga mahad naqay sida fiican ee uu uga Jawaabay warbixina u siiyay.
Kulankaas oo maanta ka dhacay xafiiska Gudoomiyaha Joogtada ah ee golaha wakiilada , waxa goob joag ka ahaa Gudoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha wakiilada Mudane Baashe Maxamed Faarax iyo qaar ah ka mid ah safiirada JSL ee dalalka yurub.
Posted by Wariye Mohamed Mussa inji Hargeysa Somaliland
News
Posted By: Wariye Mohamed Mussa inji on Feb 07 2008, 10 52
Email: Wariye Mohamed Mussa inji :news@somalilandnet.com |