Agaasimaha Guud oo u waramayey Warbaahinta ayaa xaalada Biyo yaraanta ee soo food saartey magaalada Tog wajaale waxa uu ku tilmaamay mid ka dhalatay tirada dadka oo aad u korodhay oo ka batay Biyihii loogu talo galay magaalada.
Iyadoo Togwajaale xarun balaadhan oo ganacsi u tahay labada dal e Somaliland iyo itoobiya. Sidaa daraadeed wax uu Agaasimaha ku baaqay in gurmad deg dega laga galo sidii loo kordhin lahaa xaalada biyaha Tog wajaale oo uu sheegay inay ka dhalan karaan dhibaatooyin binu aadanimo , waxana uu u mahad celiyey hay’ada UNICEF oo uu xusay in hada gacanta ku hayso dhamaystirka ceel biyaha laga soo saaro oo laga hirgelinayo Tuulada Geed balaadh oo ka tirsan degmada Gabiley.
Agaasimaha Guud ee wasaarada macdanta iyo biyaha axmed ibraahim suldaan mar uu ka hadlayey dhinaca horumarka ceelasha waxa uu tilmaamay in wasaarada iyo hayado caalami ahi ay ceelal ka wadaan degmada Ijwaaji iyo BOTTOR oo ka tirsan degmada gabileyku kuwaas oo Dabooli doona baahida biyaha ee dadka iyo xoolaha deegaan kaasi kuwaasi oo dhawaan la dhamaystiri doono.
Posted by Wariye Mohamed Mussa inji Hargeysa Somaliland
News
Posted By: Wariye Mohamed Mussa inji on Feb 07 2008, 10 46
Email: Wariye Mohamed Mussa inji :news@somalilandnet.com |