SHIL BAABUUR OO KA DHACAY DULEEDKA BURCO.
|
Feb 06 2008 (Somaliland Net) - Burco: Hal qof ayaa ku dhintay,sideed kalena waa ku dhaawacmeen ka dib markii baabuurkii ay la socdeen kula qalibmay galabta tuulada Qoyta oo ka tirsan degmada Burco.
|
|
|
Baabuurkan ayaa noociisu ahaa Mark11,kaasoo yimi Magaalada Laascaanood kuna socday dhinaca Hargaysa,lama oga ilaa hada sababta keentay shilkan.
Shilkan B/buur ayaa waxa ku dhimatay Marxuumada lagu magacaabo Maryan Jaamac Guuleed,Islamarkaana Dadkii ku dhaawacmay shilkaas lagu daweynayo cisbitaalka Guud ee Magaalada Burco, sidaa ay Xaqiijiyeen, Wariye Kayse Axmed Digaale u sheegeen Dr.C/qaadir Muuse iyo Dr.C/jibaar oo xiligaa ku hawlaaa daaweynta dhaawacaas.
Ciidanka booliska,laanata Wadooyinka ayaa baadhaya sababta dhalisay shilkan B/buur.
Kayse Axmed Digaale
News
Posted By: Abdirisak suleman on Feb 06 2008, 08 19
Email: Abdirisak suleman:news@somalilandnet.com |
|