Madaxweyne Rayaale oo Qaabilay Shirkado Norwegian ah
|
Feb 05 2008 (Somaliland Net) - Hargeysa - Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wefti ka socda shirkadaha batroolka baadha ee dalka Norway. Sidaana waxa lagu sheegay warsaxaafadeed uu xalay soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada.
|
|
|
Weftigan oo ay ku jiraan xubno ka socda shirkad kuwa shidaalka dhulka ka baadha, kuwaas oo sahamin dhinaca hawada ah ka waday Somaliland.
Warsaxaafadeedkaas oo faahfaahsanna waxa u u dhignaa sidan:
“Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin waxa uu qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wufuud ka socota shirkadaha batroolka baadha ee dalka Norway oo booqasho ku jooga Jamhuuriyadda Somaliland.
Wefdigaasi waxa ka mid ahaa Shirkadd ka tirsan dalka Norway oo beryahanba ku hawlanayd baadhista dhulka ay ku jiraan Khayraadka dabiiciga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, kuwaasi oo ay ugu horreyso saliidda iyo gaasta oo ay bad iyo berriba si cilmiyaysan ay ugu kuurgalayso kana baadhayso dhinaca hawada meelaha loo malaynayo in saliidda iyo gaastu ku jirto dhulka Somaliland.
Madaxweynuhu waxa uu wefdiga uga mahadnaqay hawlihii ay tan iyo imika ka soo qabteen Somaliland oo meel fiican maraya.
Shirkaddaas Norwegian-ka ah ee ku shaqada leh baadhista khayraadka dabiiciga ah waxa la filayaa in ay dhawaan soo saari doonto warbixino ku saabsan xogta ay ka gaadheen baadhistooda.
Waxa kale oo ka mid ahaa wefdigaasi Norwegian-ka ah ee uu Madaxweynuhu qaabilay saaka [shalay] khubaro ka tirsan shirkadaha saliidda baadha ee dalka Norway oo xidhiidh la leh shirkadaha waaweyn ee saliidda iyo Gaasta ee waddankooda, kuwaas oo la filayo in ay iyana si dhakhso ah uga hawl geli doonaan Somaliland marka ay hawlaha ay qaban doonaan ka heshiiyaan iyaga iyo Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha Somaliland.
Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin waxa uu isla saaka qaabilay wefdi ka socda Hay’adda loo yaqaan ‘’SOS‘’ oo Mashaariic dhawr ah ka hirgalisay gobollo iyo degmooyin ka tirsan Somaliland oo ay ka mid yihiin Magaalada Sheekh, Burco iyo magaalada Hargeysa, kuwaas oo u badan dugsiyo wax lagu barto iyo xarumo caafimaad oo dadka danyarta ah laga taakuleeyo.
Waxa kale oo ay si dhakhso ah u bilaabi doonaan Mashaariic kuwaa la mid ah oo ay ka hir gelin doonaan Boorama.
Madaxweynuhu waxa uu si weyn ugu mahad naqay hawsha wax ku oolka ah ee hay’adda SOS ay a hir galisay Jamhuuriyadda Somaliland, kuwaas ay ugu weyn tahay Mashaariicda Waxbarashada iyo Caafimaadka.
Waxa kale oo uu Madaxweynuhu ka codsaday hay’adda SOS in ay dib u bilowdo Dhismihii iyo taabo gelinta dugsigii Farsamada Gacanta ee ku ooli jiray magaalada Burco, kaas oo si weyn ay uga faa’iidaysan doonaan dhallinyarada reer Somaliland markay ka qallin jabiyaan dugsigaasi, fursad weyna u heli doona shaqooyinka uu u baahan yahay dalkeennu.”
jumhuriya
News
Posted By: Abdirisak suleman on Feb 05 2008, 13 23
Email: Abdirisak suleman:news@somalilandnet.com |
|