Somaliland Net,Your Gateway to Somaliland

Home | BBC Somali 11:00 | BBC Somali 14:00 | BBC Somali 18:00 | Discusion Board | Somaliland Netpal
 SOMALILAND NETWORK
Country Profile

Madaxweynaha Somaliland oo Qasriga Madaxtooyada ku Qaabilay Wufuud ka Socota Sharikadaha Patroolka Baadha iyo kuwo kale


    News Archives   Printable view   Email this Article   Translate   Submit News  


Feb 04 2008 (Somaliland Net) - Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin waxa uu qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wufuud ka socota shirkadaha Patroolka baadha ee dalka Norway oo booqasho ku jooga Jamhuuriyada Somaliland.


Wefdigaasi waxa ka mid ahaa shirkad ka tirsan dalka Norway oo beryahanba ku hawlanyad baadhista dhulka ay ku jiraan khayraadka dabiiciga ah ee jamhuuriyada Somaliland, kuwaasi oo ay ugu horeyso saliida iyo gaasta oo ay bad iyo barriba si cilmiyaysan ay ugu kuur galayso kana baadhayso dhinaca hawada meelaha loo malaynayo nin saliida iyo gaastu ku jirto dhulka Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu wefdiga uga mahad naqay hawlihii ay tan iyo imika ka soo qabteen Somaliland oo meel fiican maraya.

Shirkadaasi Norwegian-ka ah eek u shaqada leh baadhista khayraadka dabiiciga ah waxa la filayaa in ay dhawaan soo saari doonto warbixino ku saabsan xogta ay ka gaadheen baadhistooda.

Waxa kale oo ka mid ahaa wefdigaasi Norwegian-ka ah ee uu Madaxweynuhu qaabilay saaka khubaro ka tirsan shirkadaha saliida baadha ee dalka Norway oo xidhiidh la leh shirkadaha waaweyn ee saliida iyo gaasta ee wadankooda, kuwaasi oo la filayo in ay iyana si dhakhso ah uga hawl geli doonaan Somaliland marka ay hawlaha ay qaban doonaan ka heshiiyaan iyaga iyo Wasaarada Macdanta iyo biyaha Somaliland.

Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin waxa uu isla saaka Qaabilay wefdi ka socda Hay’adda loo yaqaano “SOS” oo mashaariic dhawr ah ka hir galisay gobolo iyo degmooyin ka tirsan Somaliland oo ay ka mid yihiin magaalada Sheekh, Burco iyo magaalada Hargeisa, kuwaasi oo u badan dugsiyo wax lagu barto iyo xarumo caafimaad oo dadka danyarta ah lagu taakuleeyo.

Waxa kale oo ay si dhakhso ah u bilaabi doonaan mashaariic kuwaa la mid ah oo ay ka hirgelin doonaan Boorama.

Madaxweynuhu waxa uu si weyn ugu mahad naqay hawsha wax ku oolka ah ee hay’adda SOS ay ka hir gelisay Somaliland, kuwaasi oo ay ugu weyn tahay mashaariicda waxbarashada iyo caafimaadka

Waxa kale oo uu Madaxweynuhu ka codsaday hay’adda SOS in ay dib u bilowdo dhismihii iyo taabo gelinta dugsigii farsamda gacanta eek u ooli jiray magalada Burco, kaasi oo si weyn ay uga faa’iidaysan doonaan dhalinyarada reer Somaliland marka ay ka qalin jabiyaan dugsigaasi fursad weyna u heli doona shaqooyinka uu baahan yahay dalkeenu.

Posted by Wariye Mohamed Mussa inji
Hargeysa
Somaliland






News Posted By:
Wariye Mohamed Mussa inji on Feb 04 2008, 11 38
Email: Wariye Mohamed Mussa inji :news@somalilandnet.com

Advertise with us
 



CONTACT INFORMATION.




| Home | Add a Site | Modify a Site | What's New | What's Cool | Top Rated | Random Link | Privacy Statement | Contact Us  
Copyright © 1998 Somaliland Net - This site has been optimized for 4.0+ Browsers.