Somaliland Net,Your Gateway to Somaliland Fly with Daallo Airlines

Home | BBC Somali 11:00 | BBC Somali 14:00 | BBC Somali 18:00 | Discusion Board | Somaliland Netpal
 SOMALILAND NETWORK
Country Profile

Maareeyaha Hay,adda Korontada ee Somaliland oo Maanta Warbixin Dheer naga siiyay Xaaladda Hay,adda Korontada ee Wakhtigan


    News Archives   Printable view   Email this Article   Translate   Submit News  


Feb 04 2008 (Somaliland Net) - Maareeyaha Hay,adda Korontada ee Somaliland Injineer Xuseen Cilmi Warsame ayaa Warbixin Dheer naga siiyay Habsami usocodka Hawlaha Hay,adda Korontada ee Somaliland Waxaanu ku Bilaabay Maareeyuhu Warbixintiisaasi sedan :


Hay,adda Korontada ee Somaliland Waxay ka Aasaasantay Caasimadda Dalka Somaliland ee Hargeysa Waxaana Hawsheeda la bilaabay Sanadkii 2000 iyadoo lagu Hawlgalay Hadhaagii Hore iyo Mishiinadii Hore , Mudadaa ka dibna waxaa la Amba qaaday Line Dhigistii Waxaanay Hawshaa Dib uhabeyntu Socotay Muddo Sanad ah Waxaanay Hawsha Hay,adda Korontadu si Caadi ah Udhaqaaqday Sanadkii 2002 .

Anigu Waxaan kusoo Biiray Shaqadan oo la ii igmaday 2003 dii Bishii Afraad , Waad ogtihiin Marka ay Mishiino Gaboobaan Sida Baabuurta Yar yar Spare Part koodu Marba Mar sida loo soo Cusboonaysiiyo ayay Mishiinaduna ay Ubaahanyihiin in Qalabkooda lasoo Cusboonaysiiyo ama Qaabkooda la bedelaa , Kolay Spare Part ka Mishiinada ayaa Hawl iyo Kharash badan ku kaca si kastaba ha ahaatee Mishiinadaa aanu isticmaalaynay waxa la ogaaday inaanay nagu Filnaan Karaynin Ka Dib Dawladda ayaan usheegnay intaa ka dib Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa Mar uu Safar ku tegay Djibouti ayaa Dawladda Djibouti waxay noogu soo Deeqday 2 Mishiin oo kale kuwaasi oo Second Hand ah oo Mid waliba Yahay 1500 oo KVA ah .

Hadaba isku Celceshiga 4 Mishiin ayaa Hawlaha Waday Laydhka markastana waxay nooga Baahanyihiin Dayactir Joogto ah , Dhibta Qudha ee ay nagu hayaana waxa weeyaan Spare Parts ka , Mid ayaanu imika Furfurnay oo aanu Spare Part udirnay Lacag Farabadan ayaana ku baxday Spare partkiisa , Waxaananu la Xidhiidhnay Hay,addii Qaabilsanayd Mishiinkan ay Djibouti Nagu Caawisay oo Fadhigeedu yahay Itoobiya waxaanay noo sheegeen in Spare Part kooda laga helayo Beljium waxaanan Wakiilanay iyaga waanay Nooga soo qaadeen Spare part kii laakiin Nasiib Darro lacagtii ay Yidhaahdeen ayaa Noqotay Mid Farabadan , waxaana iyana Kharash Badani ku kacay Noolkii lagu soo qaadayay Qalabkaa oo Dayuurad lagaga soo qaaday Brussels , Paris la keeno haddana Paris to Hargeysa ayay Noqotay Markaa Waxaanu udirnay Qalabkaasi Daallo Airlines oo London Tagta waxaanay noo sheegeen in qalabkaasi Lacag Farabadan ay kusoo qaadayaan .

Ugu Danbeyn haddaba Alaabtii waxaa la noo soo dhigay Djbouti Alaabtii Waanay Noo Timid waanay nasoo gaadheen , imikana waxaanu ku Hawlanahay sidaanu Mishiinkaasi ukicin lahayn waxaanu la Xidhiidhnay Nin Expert ah oo Markii hore aanu la Xidhiidhnay isagaana Hawsha Dhamaynaya Hadda .

Mareeyaha Hay,adda Korontada ee Somaliland Mar uu ka Waramayay Sida Bulshadu u isticmaasho laydhka waxa uu tilmaamay in Asalkeenii Hore aynu kazoo jeednay Miyiga oo aynu ahayn Beeralay, Xoolo dhaqato oo aynaan isticmaali jirin Laydhka Balse Markii Nolosha Magaalada aynu soo galnay Waxaa loo baahday Laydh iyadoo Dadku ilbaxeen isticmaalka Laydhka imika waxa inta Badan isticmaala Dadka Qurbaha kasoo Laabtay iyo Dadka Dhaqalaha Haysta kuwaasoo isticmaala Talaagadihii , Huufarkii, Qasaaladii , Khalaadkii wax lagu ridqayay iyo waliba Kaawiyadii , Nasiib Wanaag waxaa Hawshaasi nala wadaaga Sharikado Laydh oo kale oo gaar loo leeyahay hadaba Culayska Hawshaasi naga haystaa Hadda Waxa weeyaan Shidaalkii oo Kacsan oo Awal la siin jiray Foostada Naaftada ah 50$ Wakhtiyadii Hore oo Hadda Qiimaheedu Marayo 150$ taasina ay Culayskeeda leedahay iyadoo inta badan Dadka Laydhka Isticmaala Kharashka Laydhka iska Bixiya Badankoodu haddana waxa jirra Qaar caga Jiid Sameeya oo aanu Dayn ku yeelano , Haddaba si Shidaalkii loo debbaro waxaa lagama maarmaan Noqotay in laga helo Dayntii dadka lagu lahaa .

Maareeyaha Hay,adda Korontada ee Somaliland Mar uu ka hadlayay Dhinaca Dadka Qurba Jooga ah waxa uu Tibaaxay in ay Muhiim tahay Qurba Jooga Reer Somaliland inay Gacan ka Gaystaan Habsami usocodka Hawlaha Hay,adda Korontada ee Somaliland waxaanu sheegay hadii ay karayaan in ay Fiicnayd hadii ay karayaan in Laba Mishiin ama sedex inay usoo iibiyaan Hay,adda taasoo Noqon lahayd wax ay Dalkoodii kusoo Kordhiyeen .

Mar uu Ka Hadlayay Xarunta Biyo Soo Saarka ee Geed deeble waxa uu sheegay inay Wada shaqeyn leeyihiin oo Door Laxaad leh ay ka qaadato Hay,adda Korontadu Xarumaha Biyo Soo saarka ee Biyo Khadar .

Posted by Wariye Mohamed Mussa inji
Hargeysa
Somaliland






News Posted By:
Wariye Mohamed Mussa inji on Feb 04 2008, 08 38
Email: Wariye Mohamed Mussa inji :news@somalilandnet.com

Advertise with us
 



CONTACT INFORMATION.




| Home | Add a Site | Modify a Site | What's New | What's Cool | Top Rated | Random Link | Privacy Statement | Contact Us  
Copyright © 1998 Somaliland Net - This site has been optimized for 4.0+ Browsers.