Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha dibadda Maraykanka u qaabilsan Midowga Afrika Ms. Jendayi Frazer oo Soo Gaadhay Somaliland
|
Feb 03 2008 (Somaliland Net) - Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha dibadda Maraykanka u qaabilsan Midowga Afrika Ms. Jendayi Frazer ayaa Abaaro 11 subaxnimo ee saaka iyadoo la socota Helicopter Gaar ah kasoo degtay Ambassador Hotel ee Hortiisa sida ay noo Xaqiijiyeen ilo Xogogaal ah oo Goobtaasi ku Sugnaa saaka , Kaaliyaha Janndayi Frezer waxa Socdaalkeegan ku wehelinayay Diblomaasiyiin sare oo ka Socda Dawlada aynu Jaarka Nahay ee Itoobiya . |
|
|
Jandayi Frazer oo ay la socdaan ilaa 8 Body Guard ayaa si Kedis ah waxay kusoo gaadhay Magaalada Hargeysa waxaana la filayaa inay la kulmi doonto Madaxweynaha Somaliland iyadoo isla Galabtan dib ulaaban doonta . Dadweynaha Magaalada Hargeysa ayaa si weyn ugu Faraxsanaa Socdaalkan Jendayi freizer waana Guul inoo soo korodhay Wixii Warar ee kasoo Kordha Kala soco Shabakadan Posted by Wariye Mohamed Mussa inji Hargeysa Somaliland
News
Posted By: Wariye Mohamed Mussa inji on Feb 03 2008, 03 02
Email: Wariye Mohamed Mussa inji :news@somalilandnet.com |
|