Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka ee Ucid oo Hambalyo Udiray Ciidamadda Qaranka ee Jiida Hore iyo Shacbi Weynaha Somaliland
|
Feb 02 2008 (Somaliland Net) - Warsaxaafeed ka soo baxay xisbiga UCID maanta ayaa waxa uu udhignaa sidan.
Xisbiga cadaalada iyo Daryeelka ucid waxa uu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhamaan ciidanka qaranka JSL iyo xaasaskooda, |
|
|
munaasibada xuska sanad guuradii 14aad ee ka soo wareegtey Aasaaska ciidanka qaranka awgeed waxa uu rajeynayaa dhamaan saraakiisha iyo saraakiil kuxigeenada iyo dablayaasha mustaqbalka wanaagsan inay sanadkan sanadkiisa ku gaadhaan horumar iyo badhaadhe.
Warsaxafadeedka isagoo sii socda waxa uu ku daray marlabaad waxa xisbiga ucid ku Amaanay ciidamada qaranka gaar ahaan ciidamada jiida hore Guulihii wax ka oolka ahaa ee ay wadanka u soo hooyeen ilaahay ha ka abaal mariyee taariikhda bal dahaba ayey kaga qoran yihiin , Amaanta waxa la wadaaga shacbi waynaha JSL Gude iyo dibadba ee garwaaqsaday waxtarka ciidamadooda hiil iyo hooba la garab taagan, waxaanu ku boorinayaa ciidanka qaranka iyo shacbi weynaha in si wada jir ah u ilaalino Guulaha aynu gaadhney si Himiladeenunu uga midho dhalino.
Posted by Wariye Mohamed Mussa inji Hargeysa Somaliland
News
Posted By: Wariye Mohamed Mussa inji on Feb 02 2008, 11 35
Email: Wariye Mohamed Mussa inji :news@somalilandnet.com |
|