Mudane Daahir Rayaale kaahin oo hadal ka jeediyey xuska munaasibada Ciidanka oo lagu qabtey Taliska guud ee Ciidamada qaranka JSL ee Hargeysa. Waxa uu sheegey in mudadii ay jireen ciidanku ku Talaabsadey Guulo waaweyn oo la taaban karo , isla markaaana waxa uu madaxweynuhu uu tilmaamay waxay ay Maanta mudan yihiin ciidamada jiida hore jooga laguna amaani doono mustaqabalka darajooyinka sida ay ukala mudan yihiin xukumaduna ay iska xilsaarayso meel kasta oo dhaqaale looga raadin karo , madaxweynuhu isagoo hadalkiisa sii wada waxa uu amar ku siiyey maayarka caasimada Hargeysa inuu baneeyo Gurigii hore ee (State House ka ) isagoo sheegay inuu noqon doono Madaxtooyada mustaqbalka.
Ugu danbeyntiina Waxa Madaxweynuhu uu Hambalyo udiray ciidamada qaranka ee JSL iyo xaasaskoodaba in Sanadkan sanadkiisa ay ku gaadhaan bash bash iyo barwaaqo . Waxa isna halkaasi ka hadlay wasiirka wasaarada Gaashaandhiga mudane C/laahi cali ibraahim iyo Taliyaha Guud ee Ciidamada qaranka Nuux ismaaciil Taani oo ka waramay marxaladihii uu ciidanku uu soo maray iyo Baahiyaha jira .
Waxa ka soo qayb galay masuuliyiin ka kala socota sadexda Gole qaran Axsaabta qaranka,Safiirka Dalka Itoobiya ufadhiya Somaliland iyo marti sharaf kale waxaana bandhig Faneed ka turjumaya dhinacyo fara badan Ku soo bandhigay Fanaaniinta Ciidamada qaranka ee (Gaashaan).
waxa la Aasaasay ciidan weynaha Qaranka JSL 2dii feberwery 1994kii . Madaxweynaha JSL mudane Daahir Rayaale Kaahin waxa uu socdaal ku soo maray Madaarka Gigaal international AIRPORT isagoo soo indho indheeyey sida hawluhu uga socdaan garoonka diyaaradaha ee caasimada Hargeysa
Posted by Wariye Mohamed Mussa inji Hargeysa Somaliland
News
Posted By: Wariye Mohamed Mussa inji on Feb 02 2008, 11 11
Email: Wariye Mohamed Mussa inji :news@somalilandnet.com |