Dr. Axmed Xuseen oo ka Hadlay Loollanka Xisbiga KULMIYE Dhexdiisa iyo Rajada uu ka Qabo Murashaxnimadiisa
|
Jan 31 2008 (Somaliland Net) - Hargeysa - Xoghaya Arrimaha Dibedda ee xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE Dr. Axmed Xuseen Ciise, isla markaana ka tirsan masuuliyiinta xisbiga ee sheegay inuu damac kaga jiro buuxinta jagada musharaxa Madaxweynaha ee xisbiga KULMIYE, ayaa waraysi dhinacyo badan taabanaya oo uu xalay siiyey telefishanka madaxbannaan ee HCTV waxa uu kaga hadlay arrimo dhawr ah oo ay ka mid yihiin rajada uu ka qabo in xisbigoodu ku guulaysan doono doorashada soo socota talada dalka, sababaha loo aanayn karo dib-u-dhaca shirweynihii xisbiga KULMIYE iyo damaciisa ku wajahan ka qaybqaadashada tartanka buuxinta jagada Madaxweynenimo ee xisbiga.
|
|
|
Dr. Axmed Xuseen, oo ugu horreyn ka jawaabayey rajada uu ka qabo in xisbigoodu ku guulaysan doono talada dalka, waxa uu yidhi; “Horta markii hore waxaad ogaataa iyada oo xisbigu cusbi cusub uu ahaa, lana tartamayey xisbi xukuumi ah oo imkaaniyaadkii dawladda oo dhan haysta, haddana inay 80 cod oo keliya kaga guuleystaan, shan sanno ayaa maanta laga joogaa, waxqabadkii xukuumadda maanta jirtana waa la arkayaa. Markaa waxaannu qabnaa waxqabadkaa xukuumadda ee la dhaliilayo in aannu kaga guulaysan doono dadku markay arkaan barnaajkayaga, waanna in aannu dadka kasbano, maaha uun in aannu nidhaahdo qoladan ayaa diciif ah oo waxba qaban wayday.”
Mar la waydiiyey in shirweynaha labaad ee xisbiga oo dhawr jeer dib u dhacay ay jiraan carqalado hortaagan, waxa uu ku jawaabay; “Arrintaasi waa mid soo noqnoqotay, waanna in aannu uga jawaabno si saraaxad ah, shirweynahaas xisbiga ee labaad dhawr jeer ayuu dib u dhacay, laakiin maaha arrin aad u culus ee waa mid xag farsamo ku timi, oo qabanqaabada xisbiga iyo ergooyinkii uu isku keeni lahaa oo aad u badan, waayo waxani waa wax innagu cusub oo aynaan hore u qaban, annaga uun maahee ma jirto cid kale oo shirweynaheedii qabsatay, UDUB-ba may qaban. Waxaan rajaynayaa in si dhakhso ah bishan soo socota gudaheeda inuu shirweynuhu qabsoomo.”
Isagoo ka jawaabayey su’aal ahayd in ay jireen masuuliyiin badan oo u tartamayey jagooyin kala duwan haseyeeshee aakhirkii iskaga tanaasulay, taasi ma muujinaysaa in masuuliyiintaasi ay u arkeen tartankooda musharaxnimo ee shirweynuhu inuu keenayo dhibaato ama uu burbur u keenayo xisbiga waxa uu yidhi; “Runtii maaha, waayo cidkasta oo tartan u soo diyaar garowda way dhacdaa adduunkoo dhan inay kala hadhaan, oo intaan la gaadhan halka ugu dambaysa ogaaday in aanay ku habboonayn waqtigaas. Wuxuunbaa muhiim ah in axsaabta dhexdooda laga arko nidaam dimuqraadi ah, markaa uma arko khilaaf iyo isqabqabsi xisbiga dhexdiisa.
Waxaan qabaa runtii in aannu jirin wax burbur ah oo xisbiga ku imanayaa, horena waan u sheegay, khilaaf maanta ka dhexeeya xisbigana ma jiro. Dadkani waa qaar isku wada fikir ah oo markii hore isku tagay iyagoon cidna khasbin, oo is yidhi intiinan isku fikirka ahi xeedhadan ayaa idin deeqaysa. Marka uu shirweynuhu dhammaadana horena waannu ugu ballanqaadnee in aannu dhammaan gacmaha isqabsan doono oo kolba qofkii aannu la soo baxno ee hoggaanka xisbiga noqonaya aannu taageeri doono.”
Sidoo kale, waxa la waydiiyey su’aal ahayd sida uu u arko haddii isagu uu ku guul-darraysto jagada guddoomiyenimo ee xisbiga dhexdiisa oo uu taageero cidda la doorto inay jiraan dad aan ku qanacsanayn fikradaasi, waxa uu ku jawaabay; “Runtii dadku waxay ogaan karaan uun wixii aan afka ka idhaahdo ee waxa calooshayda ku jira ma oga, waanna ta iga dhabta ah oo horena waan u sheegay, maan jeclayn in aan arrintaa musharaxnimada ka hadlo, waayo mararka qaarkood ayey dadku si kale u qaataan, maalmahana hadalo ayaaba soo baxbaxaya, marna anigu maan sheegan in aan ahay musharaxii xisbiga KULMIYE ee jagada Madaxweynahaee waxaan sheegay uun in aan doonayo oo aan u tartamayo.
Arrintani waxay u taalaa golaha dhexe ee la dooran doono cidda noqonaysa musharaxa xisbiga. Haseyeeshee, waxaan hore u sheegay oo aan ku celceliyey in ay habboon tahay in tartan xalaal ah la galo oo uu wanaag iyo walaaltinimo noqdo, tartankaasina marka uu dhammaanada aannu gacmaha isqabsano oo aan dhinac u wada jeedsano.”
jumhuriya
News
Posted By: Abdirisak suleman on Jan 31 2008, 14 10
Email: Abdirisak suleman:news@somalilandnet.com |
|