La Yaabma leh in SNM-na Baabado, SSDF oo Dalka Baabiisayna Jirto’
|
Jan 31 2008 (Somaliland Net) - Hargeysa - Mujaahid Axmed Mire Maxamed oo ka mid ah saraakiishii waa weyney ee ururkii SNM,haddana ku sugan magaalada London ee carriga Ingiriiska, ayaa waraysi uu khadka internet-ka kula yeeshay Wariyaha Keyse Axmed Digaale, waxa uu kaga waramay aragtidiisa shaqsiyadeed ee ku wajahan in manhajka waxbarshada dalka laga saaro taariikhda halgankii SNM.
|
|
|
Muj. Axmed Mire oo arintaa ka hadlayana, waxa uu yidhi; “Arrinta SNM ku saabsan ee aad i soo weydiisay, waxaan kuu sheegaya in marka hore la is weydiiyo ayay ku haboon-tahay. Horta SNM ma wax jira oo nool baa, mase waxa dhinatay oo aan maanta jirin? Waxa habboon in caqligeenu koro oo garaadkeenu kobco oo aynu garano wixii inaga xumaaday iyo wixii aynu ku beddelanay.
SNM waxay ahayd urur mucaarid ah oo ka soo horjeeday dawladdii Maxamed Siyaad qaabkii ay wax u maamulaysay oo ahayd inay la timaado mabda' iyo nidaam ka fiican oo bedela. Nasiib-darro waxay isu dhiibtay dad aan halgankii ka qayb gelin oo waxay xoojiyeen qabyaaladii oo ay distoor iyo hoyba ka dhigteen. Wadadii kii hore ku jabay ayaa raadkeedii dib loo raacay. Xubno siyaasiyiin ah ayaa mikrafoonda kaga dhawaaqay in SNM wax la yidhaahdaa aanay jirin oo lagu beddelay Somaliland. Ururada halgama ee guulaysta lama baabiyo ee ayagaa dhisa dawladnimada. Waxa kale oo la oggolaaday inaanay SNM noqon urur qaran oo ka mid noqda ururada ku tartamaya madaxnimada dalka oo waxa la yidhi waa urur xaaraan ah oo qabyaalada ku dhisan buu ahaa oo aan laga hadlin.
Taas waxay caddaysay ama loo qaadan karaa in haddii ururku xaaraan yahay markaa halgankiina xaaraan buu ahaa markaa Somaliland-na waa xaaraan. Waxa la yaab ah raggii wareejiyey awooddii siyaasadeed, astaantii urureed ee xilka ku bedeshay ama qabiilka inay marba midab yeeshaan ma haboona. SNM halganka iyo taariikhdu ma aha in marna la aaso marna lala soo baxo, mana noqon karto mid danno gaar ah lagu fushado.
SNL/USP waxay ahaayeen asxaabtii Gobanimodoonkii ee lixdankii taariikhdaa ilaa maanta meel lagu qoray ma jirto cid qallinka ama caqliga laga qabsadayna ma jirto ee waa la tuuray oo waxa lagu beddeshay SYL oo la hirgeliyay maantana la yaab ma laha in SNM oo dalka xoraysay la tuuro SSDF oo baabadayna ay jirto oo taariikh yeelato, madaxdeeduna ay Puntlaand-na xukumaan, Soomaaliya oo dhana ay maanta hor fadiistaan.
Qaran walba hormoodkooda ayaa meel roon u sahmiya ama laag ka tuura. Waxa nasiib-darro ah inaan maanta cidkale eedayno garashadii meeday garawshiinyo mee..! Waxaan qabaa SNM ma noola oo dadkeedii baa ceel ku riday maantana ma dhiman ee16 sanno ka hore bay dhimatay. Fadlan Iil-keeda ha idinka jiifto ee faataxada u akhriya. Lax walba shilalka ay isdhigtaa lagu qalaa, markaa calaacalka iska daaya waxa idin gaadhay waa waxaad geysateen. Taariikhdii lixdankii luntay, tii SNM-na luntay oo waxa heshiis lagu yahayba ma jiraan Ninkii jiray wuxuu yidhi maxa la iga soo helaa beriba waan lumiye.”
WAA HOOY TAN MAANTA CARABKA LUGU
ADKAYNAYEE EE sOOMALILAND YAY IDINKA LUMIN.
jumhuriya
News
Posted By: Abdirisak suleman on Jan 31 2008, 13 44
Email: Abdirisak suleman:news@somalilandnet.com |
|