Haddaba Warar kusoo baxay Saxaafadda Qaar warar sheegayay in Muj Muuse Biixi Cabdi ka Tanaasulay Musharaxnimadiisii uu isu diyaarinayay inuu isku soo taagi doono Musharaxa Madaxweyne Kuxigeenka Xisbiga ama ku Xigeenka Xisbigaasi Balse Maalintii shalay ahayd ayuu Mujaahid Muuse Biixi cabdi Beeniyay in uu ka Tanaasulay Musharaxnimadiisii isla markaana uu weli usharaxan yahay Jagada Madaxweyne Kuxigeenka ee Xisbigaasi .
Isagoo Beeninaya Warkaasi waxa uu Yidhi " Annigu ma Garanayo Halkay Warkaasi ka heleen Wargeyska Haatuf iyo Waaheen , iyo Cidda siisay Toona waxaanan aad ula yaabay Halka ay maanta Saxaafada Somaliland Marayso " ayuu yidhi Muuse Biixi .
Warar Kale oo aanu ka helnay Saxaafadda Waaheen ayaa Sheegaya in Muuse Biixi oo Sheegaya inaanu isu soo taagayn Musharaxnimadaasi ay Codkiisii Hayaan oo Duuban Hadii loo baahdana ay soo saari Doonaan isagoo Sidaasi Afkiisa ku leh .
Mujaahid Muuse Biixi Cabdi ayaa la Safanaa Kudlad uu ku Jirro Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Hase Yeeshee Mujaahidku waxa uu wakhtiyo hore kasoo Horjeestay Musharaxnimadii Madaxweyne Nimo ee Dr. Axmed Xuseen Ciise Markii uu ku dhawaaqay Musharaxnimadiisa waxaana uu ku Hadaaqay Muuse "Anigu Nin Hudheelada Magaalada ka Hadlay uma Aqoonsani Musharax , inkasta oo uu shalay uhadlayay si garawsaday Musharaxnimadiisa .
Source : Somalilandnet Hargeysa/ office Hargeysa Somaliland
News
Posted By: Somalilandnet Hargeysa Office on Jan 30 2008, 11 52
Email: Somalilandnet Hargeysa Office :news@somalilandnet.com |