Somaliland Net,Your Gateway to Somaliland Fly with Daallo Airlines

Home | BBC Somali 11:00 | BBC Somali 14:00 | BBC Somali 18:00 | Discusion Board | Somaliland Netpal
 SOMALILAND NETWORK
Country Profile

Sarkaal sare oo ka Tirsan Hay,adda HELLO TRUST ee Miino Saarka oo Dhaawacmay Maanta ka dib markii Nin uu Toogtay


    News Archives   Printable view   Email this Article   Translate   Submit News  


Jan 30 2008 (Somaliland Net) - Ciidanka Booliska ayaa gacanta ku dhigay Eedeysane Cabdi maxamed yuusuf (cabdi madoobe) ka dib markii uu maanta abaaro 11:00 duhurnimo uu fal isku day dil ah kula kacay MR Arman Haar-yuuyar oo u dhashay waddanka Armeeniya islamarkaana ahaa sarkaal sare oo ka tirsan hay,aadda miino saarka ee HELLO TRUST.


Fal danbiyeedkan oo ka dhacay xarunta Hay,adda miino saarka ee hello trust ee caasimada Hargeysa ayaa waxa uu eeddaysanahani isku dayay inuu baxsado hase yeeshee waxa taas ka hortagay ciidanka Booliska ilaalinta Amaanka ee xarunta Hay,adda iyagoo ka dhaawacay lugta.

 Eeddaysane cabdi maxamed yuusuf ayaa ku hubaysnaa Baastooladii uu ku dhaawacay sarkaalkan.

 Taliyaha ciidanka Booliska ee JSL general Maxamed saqadhi dubad ayaa isagoo ka waramaya sababta ay dhacdadani ku timid waxa uu sheegey in denbiilahani uu usheqayn jiray hay,adda hase yeeshee ay mudadii heshiiskiisu dhaamaatay isagoo isla maantana la siiyay wixii xuquuq uu lahaa ee uu hay’adda ku lahaa taliyuhu waxa uu intaasi ku daray inay dabo gal ku samaynayaan dhacdadan.

 Waxa Amaan mudan siddii deg dega lahayd ee ay ciiddanka Boolisku gacanta ugu dhigeen denbiilahan.

Posted by Wariye Mohamed Mussa inji
Hargeysa
Somaliland







News Posted By:
Wariye Mohamed Mussa inji on Jan 30 2008, 11 18
Email: Wariye Mohamed Mussa inji :news@somalilandnet.com

Advertise with us
 



CONTACT INFORMATION.




| Home | Add a Site | Modify a Site | What's New | What's Cool | Top Rated | Random Link | Privacy Statement | Contact Us  
Copyright © 1998 Somaliland Net - This site has been optimized for 4.0+ Browsers.