Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka oo Maanta Furay shir ku Saabsan Sidii Hay,adda Coopi uga qaybqaadan lahayd Horumarinta Baahiyaha Caafimaad ee Gobolada Saaxil iyo Awdal
|
Jan 29 2008 (Somaliland Net) - Agaasimaha Guud ee wasaarada caafimaadka iyo shaqada Anwar maxamed cige ayaa maanta furay shir muddo laba maalmood ah oo lagaga hadli doono qaabka ama hanaanka loogu wareejinayo hay’adaha COOPi arrimaha caafimaadka ee gobolada Saaxil iyo Awdal oo lagu qabtey huteel maansoor ee magaalada hargeysa. |
|
|
Shirkan oo ay ka soo qayb galeen madaxda wasaarada caafimaadka , isu duwayaasha gobolada Saaxil iyo Awdal ee wasaaarada caafimaadka , aqoonyahano , masuuliyiinta cusbitaalada goboladaas, iyo hay’adaha coopi iyo koomiishanka midowga yurub.
Agaasimaha Guud ee wasaarada caafimaadka Anwar maxamed cige oo furitaankii shirkaasi ka hadlay ayaa sheegey inay maanta laga bilaabo hay’ada coopi ay si toos ah ula wareegtey hawlaha caafimaad ee gobolada Saaxil iyo Awdal ,sida uu sheegey Agaasimaha Guud ee caafimaadka waxa ay wax weyn ka tari doonaan baahiyaha caafimaad ee gobolada saaxil iyo awdal iyadoo oo sida uu sheegey agaasimaha hay,adan COOPI ay hore uga shaqeyn jirtey cisbitaalka guud ee magaalada Berbera .
Hayada Coopi waxa ay ka shaqeyn doontaa cisbitaalada Guud ee goboladaasi Gaar ahaana dhinacyada horumarka Adeegyada caafimaad.
Posted by Wariye Mohamed Mussa inji Hargeysa Somaliland
News
Posted By: Wariye Mohamed Mussa inji on Jan 29 2008, 11 31
Email: Wariye Mohamed Mussa inji :news@somalilandnet.com |
|