Wasiirka wasaarada macdanta iyo biyaha ee Somaliland oo Maanta Furay kulan ay bishiiba mar isugu yimaadaan 22 hay,adood oo ka shaqeeya nadaafada iyo horumarka biyaha
|
Jan 29 2008 (Somaliland Net) - Wasiirka wasaarada macdanta iyo biyaha ee JSL mudane qaasim sheikh yuusuf ayaa manta xarunta wasaarada macdanta iyo biyaha ka furay kulan ay bishiiba mar isugu yimaadaan 22 hayadood oo ka shaqeeya nadaafada iyo horumarka biyaha. |
|
|
Wasiirka macdanta iyo biyaha mudane qaasim sheikh yuusuf ayaa hadal uu ka jeediyey wuxuu sheegey in kulan kan lagaga wadda hadlayo wadda shaqeynta u dhaxaysa hay;adahan iyo wasaarada macdanta iyo biyaha ee JSL . waxaanu tilmaamay in ay mihiim tahay xoojinta xidhiidhka wadda shaqeyneed ee u dhaxeeya .
Wasiirka macdanta iyo biyaha ee JSL waxa uu u soo jeediyey hayadahaani inay dhinacooda dar dar geliyaan hawlaha ku aadan horumarinta iyo faya dhawrka biyaha .
Saraakiil u hadlay haydahan ayaa kulankaasi ka sheegey ahmiyada iyo horumarinta biyaha iyo sidii looga wadda shaqeyn lahaa si dalk looga haqab tiyo baahida loo qabo biyo naddiif ah isla markaana bulshada lagu baraarujiyo ilaalinta faya dhawrkooda.
Posted by Wariye Mohamed Mussa inji Hargeysa Somaliland
News
Posted By: Wariye Mohamed Mussa inji on Jan 29 2008, 11 05
Email: Wariye Mohamed Mussa inji :news@somalilandnet.com |
|