Somaliland Net,Your Gateway to Somaliland Fly with Daallo Airlines

Home | BBC Somali 11:00 | BBC Somali 14:00 | BBC Somali 18:00 | Discusion Board | Somaliland Netpal
 SOMALILAND NETWORK
Country Profile

Col:Xaabsade oo ka hadlay Gooni isu Taaga Somaliland /DKM iyo Puntland Hooska dhageyso codka


    News Archives   Printable view   Email this Article   Translate   Submit News  


Jan 29 2008 (Somaliland Net) - Wasiirkii hore ee Arimaha gudaha iyo Amniga Puntland Col: Axmed Cabdi Xaabsade ayaa sheegay in dadka degan gobolada Sool, Sanaag Iyo Cayn ay umadax banaan yihiin aaya ka talin tooda isla markaana uu isagu taageersan yahay gooni isu taaga Somaliland iyo in cid walba ay raacdo meesha ay dan moodaan iyagu oo aan cidna la khasbi karin..Codka hooska dhageyso


Somaliland tacadiyo ka gaysatay magaalada laascaanood ayaa sheegay in warkaasi aanu waxba ka jirin isagoona intaasi ku daray in shicibku ay si wayn u taageersan yihiin maamulka Somaliland marka laga reebo shakhsiyaad dana gaar ah leh waa sida uu hadalka udhigaye.
Col: Axmed Cabdi Xaabsade oo la waydiiyey su'aal ahayd mar hadii uu maamulka hada jira dhaliilay waxaa uu garoowe u joogi waayey oo usugi waayey inta Puntland wax iska bedelayaan ayuu ku jawaabay Adeer Maamulka maaha wax magaca ee waxaa uu ahaa wax la wadaago oo la wada dhistay hadii la wadaagi waayana dee waa lakala tegayaa waanuna wadaagi waynay oo waanu kala tagnay meeshana wixii la wadaagi lahaa ayaa ka maqan gaar baa loo yeeshay sidaad ka warqabto Boosaaso Galkacayo Garoowe makiinado lacagta lagu sameeyo ayaa yaalaa oo uu Cadde Muuse leeyahay meel ay martana lama yaqaan waxaan ognahay in 6 bilood askartii Puntland mushahaaro qaadan lacagtuna waa soo gashaa jeebka uun baana lagu shubtaa markaa niman jeebka uun wax ku shubta oo maamul sheeganaya ayaa halkaasi jooga Umaduna waa inay ka tashataa oo iska eryaan nimankaasi ileen Maamul maahee ))

Xaabsade oo u waramayey Radio Daljir Galkacayo ayaa ku eedeeyey Maamul goboleedka Puntland inay iyagu ka danbeeyeen amaandaradii ka jirtay laascaanood iyo hor'umar la'aanta gobolka waxuuna xusay in hada amaanka gobolka uu ka fiican yahay markii hore uuna maamulka Somaliland si fiican uga shaqaynayo

Dhinaca kale Axmed Cabdi Xaabsade ayaa sheegay in ka siyaasi ahaan uusan aqoon sanayn dowlada federaalka ee Somalia isla markaana uusan jirin haatan wax xidhiidha oo ka dhexeeya isaga iyo C/laahi Yuusuf oo saaxiibo mudo dheer ahaan jireen..

Dhamaadkii sanadkii 2007 ayaa Madaxwane Cadde muuse xilka qaadis ku sameeyey Axmed Cabdi Xaabsade oo ahaan jiray wasiirka Arimaha gudaha iyo amniga Puntland tan iyo markii dhidibada loo taagay maamulka Puntland sanadii 1998-dii , xilka qaadista xaabsade ayaa sababtay in gobolka Sool uu ka baxo gacanta maamulka Puntland ka dib markii Axmed Xaabsade oo taageero ka helaya maamulka Somaliland uu olole siyaasadeed oo ka dhan ah Puntland ka bilaabay gudaha magaalada Laascaanood..

15-kii bishii Octobar 2007 ayaa Madaxda Puntland amar ku bixisay in la soo qabto Axmed Cabdi Xaabsade oo markaasi ku sugnaa gurigiisa oo ku yaal laascaanood , waxyar ka dib markii ciidamada puntland weerareen guriga xaabsade ayaa waxaa iyana weerar soo qaaday ciidamada Somaliland oo si weyn ula socday dhaqdhaqaaqa Puntland ee ka dhan ka ahaa xaabsade iyagoona gudaha usoo galay laascaanood ..

Dhamaan dadka ka soo jeeda Gobalada Mudug/Nugaal iyo Bari ee ku dhawdhaawo mamulka cade ayaa keensaday Mishiinada lacagaha lagu sameeyo Daawo Boqolaal kun oo malyan oo faalso ah




afnugaal.com


News Posted By:
Abdirisak suleman on Jan 29 2008, 08 23
Email: Abdirisak suleman:news@somalilandnet.com

Advertise with us
 



CONTACT INFORMATION.




| Home | Add a Site | Modify a Site | What's New | What's Cool | Top Rated | Random Link | Privacy Statement | Contact Us  
Copyright © 1998 Somaliland Net - This site has been optimized for 4.0+ Browsers.