Somaliland Net,Your Gateway to Somaliland

Home | BBC Somali 11:00 | BBC Somali 14:00 | BBC Somali 18:00 | Discusion Board | Somaliland Netpal
 SOMALILAND NETWORK
Country Profile

Wasiir kuxigeenka wasaarada caafimaadka iyo shaqada ayaa saaka si rasmi ah u furay ololaha Talaalka cudurka dabaysha


    News Archives   Printable view   Email this Article   Translate   Submit News  


Jan 28 2008 (Somaliland Net) - Wasiir kuxigeenka wasaarada caafimaadka iyo shaqada mudane mahdi cismaan buuri ayaa saaka si rasmi ah u furay ololaha Talaalka cudurka dabaysha, kaasi oo socon doona muddo afar maalmood ah.


Xaflad loo sameeyay amuurtaasi oo lagu qabtay hotel summer time waxa kasoo qayb galay masuuliyiin ka socotay wasaarada caafimaadka, hay,adda w.h.o iyo marti sharaf kale.

Waxaana ugu horeyn halkaasi ka hadlay madaxa tallaalka cudurka dabaysha ee dalka DR: maxamed c/raxmaan waxaana uu ka waramay waxqabadkii la xidhiidhay hawlaha tallaalka sanadkan oo uu tilmaamay in la tallaali dooono caruur ka badan kuwii sanadkii hore.

Waxa kale oo halkaasi ka hadlay wasiir kuxigeenka wasaarada caafimaadka iyo shaqada mudane mahdi cismaan buuri waxa uu sheegey tallaalkani inaanu ahayn mid la soo tabiyay ee Balse inuu cudurka dabayshu dalka ka jiro oo uu uu yahay mid lagaga hortagayo dhibaatada uu dadka ku reebo cudurka dabaysha ee POLIO
Waxa kale oo halkaasi ka hadashay gabadha la yidhaahdo LIUL oo ka socotey
hay;adda WHO

Posted by Wariye Mohamed Mussa inji
Hargeysa
Somaliland






News Posted By:
Wariye Mohamed Mussa inji on Jan 28 2008, 11 52
Email: Wariye Mohamed Mussa inji :news@somalilandnet.com

Advertise with us
 



CONTACT INFORMATION.




| Home | Add a Site | Modify a Site | What's New | What's Cool | Top Rated | Random Link | Privacy Statement | Contact Us  
Copyright © 1998 Somaliland Net - This site has been optimized for 4.0+ Browsers.