Annaga oo tixraacayna Waraysigii Toddobaadkan uu siiyay Cabdillaahi Yuusuf Madaxweynaha Imbegati Idaacada Codka Maraykanka , Qaybteeda Afka Soomaaliga VOA iyo Telefishanka AL Jazeera , taasi oo uu handadaad u soo jeediyay Somaliland inuu weerar ku soo qaadayo haddii ay kala bixi waayaan Ciidamadooda Gobolka Sool , isla markaana uu ku tilmaamay Somaliland in ay tahay gobol ka mid ah Soomaaliya. Warsaxafedeedka Afhayeenka waxa uu ku sheegay inaanay ahayn. markii ugu horeysay ee Cabdillaahi Yuusuf uu ku dhawaaqo inuu Somaliland soo weerari doono , isaga oo ku tilmaamay in arrinta gobolka Sool ay tahay mid u dhaxaysa Somaliland iyo Dawladiisa Imbegati , waxaanu leenahay Somaliland dawlad iyo shacbiba waxay diyaar u tahay in ay daafacaan dalkooda , iyada oo Somaliland aanay cidna ku duulayn , hadana ay joogto dhulkeedii iyo xuduudeedii . Warsaxafadeedkani waxa uu yidhi Cabdillaahi Yuusuf Marka uu leeyahay xuduudkii Ingiriiska iyo kii Talyaanigu waxba kama jiraan , Somalilandna waa gobol ka mid ah Soomaaliya, waa Been qaawan , caalamkuna wuu ka war hayaa in Shacbiga Somaliland ay gobanimadooda qaateen 26 , Juune 1960, iyaga oo markaa doortay in ay is raacaan wadankii la odhan jiray Soomaaliya oo iyana gobanimadooda qaatay kowdii July. Duruufta Israaca ee wakhtigaa taagnayd waxay ku salaysnayd Shantii Soomaaliyeed ee lagu taamayay in ay midoobaan .
Bishii May 1991-kii , ayaa shacbiga Somaliland go’aansadeen in ay kala soo noqdaan gobonimadoodii iyo Madaxbanaanidoodii wadankii la isku odhan jiray Soomaaliya , markii ay ku khasaareen Is raaca . haddaba , Madax banaanida iyo gooni isu taaga Somaliland waa Mid Muqadas ah oo lama taabtaan ah oo aan cidna loo daba fadhiisanaynin. Haddii Cidi xuduud Been been ah samaysay waxa weeyi Cabdillaahi Yuusuf markii uu sameeyay Maamulka Majeerteeniya ee uu ku magacaabay wax la yidhaahdo Puntland , intii aanu madaxda ka noqon maamulkii lagu soo dhisay Imbegati , isaga oo mar walba ku doodaya in dadka degan gobollada Sool iyo Sanaag Bari ay isu isir yihiin .
Somaliland waxa ay hadda joogtaa gobolka Sool oo ka mid ah dhulka Somaliland , waana la ogyahay baylahda iyo dayaca badan ee ku dhacay gobolka Sool intii uu gacanta ugu jiray Maamulka Majeerteeniya, hadana gobolka Sool waxa uu ku sugan yahay Nabad iyo xasilooni , isagoo maamulkiisa ay gacanta ku hayaan dadkii degaanka u dhashay, isla markaana la hir galiyay dayactirkii adeegyadii lagama maarmaanka ahaa ee Magaalada Laascaanood , iyadoo weliba sidii Madaxweynuhu ku cel celiyay dhawr jeer laga fulin doono Mashaariic wax ku ool ah gobolka Sool Mustaqabalka dhow, kuwaasi oo ay ka mid noqon doonaan Mashruuca Biyaha iyo Caafimaadka ee laga hirgelin doono gobolka Sool.
Cabdillaahi Yuusuf waxa uu ku cel celiyay xilbaan ummada u hayaa oo waan u dhaartay , haddaba aynu is weydiinee isaga oo Muddo yar u hadhsan tahay wakhtigiisii Muxuu u qabtay Soomaaliya. Ayuu warsaxafadeedku yidhi
Sida aynu wada ognahay Muqdisho iyo Baydhababa marka uu ka soo degayo ama uu ka dhoofayo waxa lagu daadihiyaa gawaadhida Gaashaaman iyo Dabaabadaha hadalada beer laxawsiga ah ee c/laahi yuusuf ,ayuu afhayeenku sheegay inuu ku dooday Cabdillaahi Yuusuf in Somaliland ay xidhiidh la leedahay kooxaha Muqaawimada ee AL Shabaab ee ka dagaalamaya Soomaaliya , taakulayna loo soo mariyo Somaliland , isaga oo taa uga dan leh Beerlaxawsiga uu adduunka u jeedinayo in ay Somaliland ay xidhiidh la leedahay Kooxaha Iska caabinta , waxase u sheegaynaa oo adduunkuna ka war hayaa in Somaliland ay tahay wadankii ugu horeeyay ee gacanta ku dhiga kooxihii xag jirka ahaa ee Al Qaacida xidhiidhka la lahaa , ka dib markii ay isku dayeen in ay waxyeelo u gaystaan Nabad gelyada iyo xasiloonida dalka .
Kooxahaasi waxa la soo taagay maxkamada Somaliland wixii dambi lagu helayna Jeelasha ayay ku jiraan oo ay u xidhan yihiin . Afhayeenka madaxtooyada isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi oo uu ku soo geba gabeeyey warsaxafadeedkan :
Soomaalidu waxay ku maah maahdaa Dibi hirdi badani Madaxa ayuu u dhintaa , Cabdillaahi Yuusuf Laba Arrimood ayaanu kugula talinaynaa : Waa ta hore in uu u hogaansamo taladii ay siiyeen dalalka caalamka ‘’International Community’’ , waa arrin isna ogyahay anaguna ka war hayno , taas oo ah inaanu Somaliland soo fara gelin. Waa Ta labaade Waxaanu kula talinaynaa Cabdillaahi Yuusuf inuu daawooyinkiisa iska qaato oo uu u hogaansamo talooyinka ay siiyeen dhakhtarada Cisbitaalka Cromwell ee Magaalada London.
Posted by Wariye Mohamed Mussa inji Hargeysa Somaliland
News
Posted By: Wariye Mohamed Mussa inji on Jan 28 2008, 11 43
Email: Wariye Mohamed Mussa inji :news@somalilandnet.com |