Somaliland Net,Your Gateway to Somaliland Fly with Daallo Airlines

Home | BBC Somali 11:00 | BBC Somali 14:00 | BBC Somali 18:00 | Discusion Board | Somaliland Netpal
 SOMALILAND NETWORK
Country Profile

Allaha ha unaxariistee Marxuum Xassan Sheekh Muumin oo Si heer Qaran ah looga Qaybgalay Aaskiisa laguna Aasay Maanta Magaalada Boorame


    News Archives   Printable view   Email this Article   Translate   Submit News  


Jan 26 2008 (Somaliland Net) - Xubno ka tirsan golaha wasiirada, gooleyaasha guurtida, wakiilada madax dhaqameedyo, fanaaniinta qaranka iyo dadweyne aad u tiro badan ayaa maanta ka qayb galay Aas heer qaran ah oo loo sameeyey alle ha u naxariistee marxuun xassan sheikh muumin x gaafane, oo 1 dii duhurnimo ee maanta lagu aasay magaalo madaxda gobolka Awdal ee Boorame.


Meydka marxuunka oo laga soo duuliyay waddanka Norway oo uu 17kii bishan janaury ku geeriyooday waxa ay diyaarad khaas ah oo loo sii diyaariyey ay ka soo qaaday garoonka magaalada jabuuti oo ay ka soo raaceen saraakiil ka socotey dawlada jabuuti abaaro 12 duhurnimo ayay diyaaradda meydka marxuunka sidday waxay soo cago dhigatey Gegada magaalada Boorame iyadoo ay halkaasi diyaar ugu sii ahaayeen lix wasiir oo ka tirsan xukumada Somaliland oo kala ah wasiirka Wasaarada warfaafinta ee Somaliland , wasiirka madaxtooyada , wasiirka dhaqanka iyo dalxiiska , wasiirka xidhiidhka goleyaasha, wasiirka macdanta iyo biyaha, wasiir kuxigeenka wasaarada waxbarashada , Gudoomiyaha xisbiga kulmiye .
Alle ha u naxariistee xasan sheikh muumin oo ahaa hal abuur caan ah waxa uu dalka Somaliland ugu suntan yahay inuu ahaa abwaankii curiyey heesta iyo muusikada astaanta qaranka jamhuuriyada Somaliland rabi ha u naxariistee xasan sheikh muumin x. gaafane waxa uu ku dhashay magaalada boorama 1931kii waxa uu ku soo barbaaray kuna soo koray magaalada boorame oo laguna aasay , iyo degmada saylac oo uu ku soo qaatey waxbarashadiisii waxa uu marxuunku door wax ku ool ah ka soo qaatey isbedelka iyo horumarka Guud ahaanba fanka somaalida ku talaabsatey isagoo suugaan badan oo uu curiyey kuna waajahan dhinaca waxbarashada maadaama uu wakhti ka mid ahaa noloshiisa uu macalin ahaa
Marxuunku xasan sheikh muumin waxa uu ifka kaga tegey ubad gaadhaya 70qof oo isugu jira caruur iyo wixii ay sii dhaleen

Inaa lilaah wa inaa ilay hi raajucuun

Posted by Wariye Mohamed Mussa inji
Hargeysa
Somaliland






News Posted By:
Wariye Mohamed Mussa inji on Jan 26 2008, 11 21
Email: Wariye Mohamed Mussa inji :news@somalilandnet.com

Advertise with us
 



CONTACT INFORMATION.




| Home | Add a Site | Modify a Site | What's New | What's Cool | Top Rated | Random Link | Privacy Statement | Contact Us  
Copyright © 1998 Somaliland Net - This site has been optimized for 4.0+ Browsers.