Xubin ka mid ah Guddiga Taakulaynta ee Heer Qaran ee Gobolada Bari oo Iscasilay , Kulmiye oo soo magacaabay Xubin kale , iyo Madaxweyne Xigeenka oo ku Gacan Saydhay Xubintaa lasoo magacaabay Habka Sharci ee loo maray
|
Jan 26 2008 (Somaliland Net) - Mudane Goodir oo Xubin ka ahaa Guddiga Taakulaynta Heer qaran ee Hawlgalada Gobolada Bari ayaa qoraal uu soo saaray oo aan Saxaafadda Laga Shaacin ayaa waxa uu ku cadeeyay inuu iska Casilay Xubinimadii Guddiga Taakulaynta Heer qaran kuna Sababeeyay iscasilaadiisan Xaalad Caafimaad oo lasoo Daristay awgeed . |
|
|
Mudane Goodir oo ka mid ahaan jiray Todobadii Xubnood ee Guddidii Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee Hore balse Sanadkii Hore Cadeeyay inuu ku biiray Xisbiga Kulmiye ayaa Xubinimadii Guddiga Taakulaynta gobolada Bari kaga Yimid markii la Magacaabayay Xisbiga Kulmiye . Qadiyada Iscasilaadiisa ayaa waxa ay Keentay Muran kuu waajahan Qaabka uu umaray iyada oo la sheegay inuu Warqado Iscasilaadiisa uu ku Socodsiiyay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo islamarkaana uu Ogaysiin ku siiyay Gudoomiyaha Heerka Qaran ee Taakulada islamarkaasna ah Madaxweyne Kuxigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin . Maadaama uu Mudane Goodir uu la shaqaynayay Guddidan ayaa la aaminsanyahay inuu Sharciyan iscasilaadiisa ay ahayd inuu ku Socodsiiyo Gudoomiyaha Guddidan Taakulaynta kuna ogaysiiyo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye , iyadoo ay taasi jirto ayuu Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Axmed Siilaanyo waxa uu Buuxinta Jagadan usoo magacaabay Axmed Skeerse haseyeeshee illo Wareedyo ku Dhaw Madaxweyne Kuxigeenka ayaa Sheegaya inuu Qaadacay Iscasilaada Goodir iyo Magacaabista Skeerse . Xaaladda Iscasilaada Goodir ayaa la sheegayaa in aanay la xidhiidhin Dhinaca Caafimaadka balse waxay Salka ku haysaa sida Wararka udhuun daloolaa Qadiyadani Tilmaamayaan Waxa la sheegayaa in Cadaadis kaga Yimid Xisbigiisa Maadaama ay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ay beel ka soo wada jeedaan . Aaraada Bulshada ayaa u aragta in aanu Goodir Xili Xaadirkan uu ushaqeynayay Hawl Qaran oo Miisaankeeda lahayd islamarkaana uu ka Madax Banaanaa arrimo Xisbi . Iskusoo wada Duuboo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Siilaanyo ayaa kala tashan habayaraatee Magacaabista Skeerse Guddiga Fulinta ee Xisbigiisa taasi oo Muujinaysaa Dareenka Diidmada leh ee uu Arrintan kala hor Yimid Madaxweyne Kuxigeenka oo ah Gudoomiyaha Guddiga Heerka qaran ee Gobolada Bari islamarkaana uu Goodir Baal maray Qaabkii sharci ee Guddidan
Posted by Wariye Mohamed Mussa inji Hargeysa Somaliland
News
Posted By: Wariye Mohamed Mussa inji on Jan 26 2008, 11 13
Email: Wariye Mohamed Mussa inji :news@somalilandnet.com |
|