Shir Jaraa,id uu Qabtay Maanta Wasiirka Diinta iyo Awqaafta ee JSL
|
Jan 23 2008 (Somaliland Net) - Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee Jamhuuriyada Somaliland Sheekh Maxamuud Suufi Muxumed oo Maanta Xafiiskiisa ku Qabtay Shir Jaraa,id ayaa Shaaca ka Qaaday inuu Magacaabay Guddi ka Kooban Shan Xubnood oo ka Hawl geli doona Midaynta Eedaanka Masaajidada Dalka oo Adimaada ku kala danbayn Jiray Wakhti ahaan . |
|
|
Wasiirku Waxa uu sheegay inay Muddo dheer wadeen Cilmi Baadhis iyo Daraasad ku saabsan sidii loo heli lahaa Wakhti isku Mid ah oo ku saabsan Eedaanka Salaadaha Qorshahaasi oo laga sameeyay Gobolada iyo Degmooyinka Dalka oo dhan , waxaana Wasiirku uu Tibaaxay inay Dhawaan Hawshaasi Bilaabi Doonaan . Waxaanu Wasiirku intaa uu Raaciyay in Laga Raysan Doono kala danbayntii Eedaanka Salaadaha oo Mushkilado badan lagala Kulmi Jiray . Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee Somaliland Sheekh Maxamuud Axmed Cali ayaa isna Tilmaamay in Guddidaasi ay ka hawl geli doonaan Daryeelka Masaajidada ee Dhinacyada Biyaha , Laydhka iyo Midaynta Wakhtiga eedaanka Salaadaha . Sheekh Ismaaciil Cabdi Hurre (Ismaaciil Dheyg) oo isna ka mid ah Guddidaa ayaa sheegay in Hawshaa loo xilsaaray ay si fiican uga hawl geli doonaan si heer Qaran ah oo dalka oo dhan ku faafsan hawshan ugudbin doonaan hadii ilaahay ogolaado . Guddidaas uu Magacaabay Wasiirka wasaarada Diinta iyo Awqaafta ee Somaliland oo ka kooban Shan Xubnood waxay kala yihiin 1) Sheekh ismaaciil Cabdi Hurre "Ismaaciil Dheyg" 2) Sheekh Khaliil Cabdalle Axmed 3)Sheekh Maxamed Aadan Muxumed 4) Sheekh Cabdiraxmaan Axmed Cabdi 5) Sheekh Maxamed ismaaciil Khayre Posted by Wariye Mohamed Mussa inji Hargeysa Somaliland
News
Posted By: Wariye Mohamed Mussa inji on Jan 23 2008, 11 54
Email: Wariye Mohamed Mussa inji :news@somalilandnet.com |
|