Somaliland Net,Your Gateway to Somaliland

Home | BBC Somali 11:00 | BBC Somali 14:00 | BBC Somali 18:00 | Discusion Board | Somaliland Netpal
 SOMALILAND NETWORK
Country Profile

Shir Hawleed Muddo laba Cisho ah oo lagu Gorfaynayay Jaangoynta istaraatijiyada Dhinaca Isgaadhsiinta Somaliland ayaa Maanta lagu soo gebagabeeyay Dalka


    News Archives   Printable view   Email this Article   Translate   Submit News  


Jan 22 2008 (Somaliland Net) - Shir Hawleed Muddo laba Cisho ah oo lagu Gorfaynayay Jaangoynta istaraatijiyada Dhinaca Isgaadhsiinta Somaliland ayaa Maanta lagu soo gebagabeeyay Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa. Shirkan oo Mudadii uu Socday ay ka Qaybgaleen,


Wakiilo ka Socday Hay,adaha Dawladda , NGO yada Wadaniga ah , Hay,adaha Samafalka ah , Sharikadaha isgaadhsiinta , Warbaahinta , Ganacsato iyo Xubno ka Socday Bulshada Qaybaheeda kala Duwan , waxaa lagu Lafa gurayay Qaabka iyo Sidii Somaliland horumar ugu Gaadhi lahayd xagga Isgaadhsiinta Casriga ah .

Xidhitaankii Shirkaasi Waxa Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta ee Somaliland Md. Liibaan Ducaale Casayr oo ka Hadlay uu ka Waramay Qorshaha Shir Hawleedkani isagoo Xusay , in Hawshani ay Haatan Bilow tahay , islamarkaana halkaasi laga sii Anbaqaadayo .

Wasiirku Waxa uu Tibaaxay Ahamiyadda ay Isgaadhsiintu uleedahay Dalka iyo Dadka , Sidaasi Awgeed waxa uu Tilmaamay Md.Liibaan Ducaale Casayr Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta inay ujeedada ugu Wayni tahay Sidii Somaliland Doorkeeda uga Qaadan Lahayd Horumarka iyo Faa,ideysiga Heerka Isgaadhsiinta Caalamiga ah .

Gebagabadii Waxa Wasiirku Mahadnaq usoo Jeediyay Ka Qaybgalayaashii Shirkaasi.

Posted by Wariye Mohamed Mussa inji
Hargeysa
Somaliland






News Posted By:
Wariye Mohamed Mussa inji on Jan 22 2008, 11 24
Email: Wariye Mohamed Mussa inji :news@somalilandnet.com

Advertise with us
 



CONTACT INFORMATION.




| Home | Add a Site | Modify a Site | What's New | What's Cool | Top Rated | Random Link | Privacy Statement | Contact Us  
Copyright © 1998 Somaliland Net - This site has been optimized for 4.0+ Browsers.