Somaliland Net,Your Gateway to Somaliland

Home | BBC Somali 11:00 | BBC Somali 14:00 | BBC Somali 18:00 | Discusion Board | Somaliland Netpal
 SOMALILAND NETWORK
Country Profile

Ururka ganacsatada Haadhuudhleyda ee caasimada hargeysa ayaa maanta ugu deeqay 4 afar Malyan oo Somaliland shilin ah taakulaynta gobolka sool ee JSL


    News Archives   Printable view   Email this Article   Translate   Submit News  


Jan 22 2008 (Somaliland Net) - Ururka ganacsatada Haadhuudhleyda ee caasimada hargeysa ayaa maanta ugu deeqay 4 afar Malyan oo Somaliland shilin ah taakulaynta gobolka sool ee JSL.


Gudoomiyaha ururka Dumarka hadhuudhleyda Marwo khadiija muse kooshin oo ku wareejisey deeqdan taakulada ah Gudoomiyaha degmada 26juun ayaa sheegtey in deeqdani aanay ahayn tii ugu horeysey ee ay gobolkaa sool u fidiyeen Balse ay hore ugu direen gadhi hadhuudh ah iyo sadex boqol oo kiish oo sibidh ah si ay uga Qayb qaataan dib u dhiska gobolka sool.
Gudoomiyaha degmada 26juun ee hargeysa ayaa ugu mahad celiyey ururka dumarka hadhuudhleyda ah deeqdan ay ugu deeqeen dib u dhiska gobolka sool ee Somaliland , isagoo sheegey inay tani dhiiri galin u tahay umada kale ee wadaniga ah tusaalena u tahay ururada kale ee aan wax taakulayn ah weli bixin.
Munaasibadan oo maanta ka dhacday xarunta degmada 26juun waxa Goob joog ka ahaa xubno ka mida ururka basasleyda caasimada hargeysa oo horaantii todobaankan bixiyey 10 milyan oo Somaliland shilin ah si ay iyaguna uga qayb qaataan taakulaynta gobolka sool ee Somaliland .

Posted by Wariye Mohamed Mussa inji
Hargeysa
Somaliland






News Posted By:
Wariye Mohamed Mussa inji on Jan 22 2008, 11 20
Email: Wariye Mohamed Mussa inji :news@somalilandnet.com

Advertise with us
 



CONTACT INFORMATION.




| Home | Add a Site | Modify a Site | What's New | What's Cool | Top Rated | Random Link | Privacy Statement | Contact Us  
Copyright © 1998 Somaliland Net - This site has been optimized for 4.0+ Browsers.