Gudoomiyaha Hay,adda shaqaalaha dawlada ayaa manta furay shir hawleed muddo laba maalmood ah oo lagaga hadli doono sidii qiimayn loogu samayn lahaa adeegyada ay wasaaradaha dawladu u qabtaan bulshada
|
Jan 22 2008 (Somaliland Net) - Gudoomiyaha Hay,adda shaqaalaha dawlada C/raxmaan ismaaciil xuseen (cadami) ayaa manta furay shir hawleed muddo laba maalmood ah lagaga hadli doono sidii qiimayn loogu samayn lahaa adeegyada ay wasaaradaha dawladu u qabtaan bulshada oo lagu qabtey hoolka guriga shaqaalaha dawlada.
|
|
|
Gudoomiyaha Hay,ada shaqaalaha dawlada c/raxmaan ismaaciil xuseen (cadami) oo furitaankii shirkaasi ka hadlay ayaa sheegay qiimaynta lagu samaynayo adeegyada bulshada ee wasaaradaha dawladu u qabtaan marka la dhameeyo in loo hawl gali doono sidii kor loogu qaadi lahaa adeegyadaas isagoo sheegey hore si tijaabo ah ay ugu soo sameeyeen qiimayn wasaaradaha , maaliyada, hawlaha guud iyo gadiidka wasaarada caafimaaadka , dawlaha hoose ee hargeysa . berbera . Gabiley, iyo dekeda magaalada Berbera, waxaanu intaas ku daray inaynu wax kasta qabsan karno oo awoodeena , dedaalkeena iyo aqoonteenaba lagu fulin karo hawshan qiimaynta iyadoo aan la eegin dawlado kale iyo hay,ado kale toona inaga caawin.
Geesta kale waxa isna kulankaas ka hadlay Agaasimaha Guud ee wasaarada ganacsiga JSL c/raxmaan maxamed cajab oo ka warbixiyay faa.iidada uu yeelan doono mashruucan qiimaynta waxqabadka wasaaradaha dawlada ee dhinaca bulshada
Iid cali salaan oo isna ka mid ah Qurba jooga Somaliland ayaa sheegey inay tahay arin aad u qiimo badan loona baahan yahay in dedaal dheeraada laga galo mar walbana laga eego dhinaca wanaagsan oo aan loo arag qod qod iyo arimo kale toona. Waxaa isna halkaas ka hadlay madaxa dib u dhiska Somaliland hayada UNDP maxamed bare.
Posted by Wariye Mohamed Mussa inji Hargeysa Somaliland
News
Posted By: Wariye Mohamed Mussa inji on Jan 22 2008, 11 17
Email: Wariye Mohamed Mussa inji :news@somalilandnet.com |
|