Somaliland Net,Your Gateway to Somaliland

Radio Hargeysa | BBC Somali 11:00 | BBC Somali 14:00 | BBC Somali 18:00 | Discusion Board | Somaliland Netpal
 SOMALILAND NETWORK
 
Country Profile

SAXIIB U DIR
Saxiib u dir
TRANSLATE
PRINT - DAABAC
Print This

Burco: Kulan lagaga Hadlayey Horuumarinta Reer Miyiga


Apr 19 2006 Burco (Jam) - Kulan laga hadlayay sidii loo horumarin laha dadka reer guuraaga ah islamarkaana loogu samayn lahaa Gudiyo isku xidhan heer Degmo ,Gobol iyo wasaaradaha dawlada ee sida tooska ah u khuseeya danaha reer guuraaga ayaa maanta ka furmay magaalada Burco ee gobolka togdheer.

Posted By Abdirisak suleman.
Kulanka oo ay ka soo qaybgaleen afar iyo labaatan xubnood oo ka kala socda dadka reer guuraaga ah, wasaaradaha degaanka,iyo horumarinta miyiga,X/xoolaha,Cafimdka,golaha degaanka,maamulka gobolka ayaa ugu horayn waxa halkaa ka hadlay Ibraahin Xariir oo madaxa mashruuca horumarinta Miyiga ee hayada wadaniga ee Havayoco,waxaanu ka warbixiyay ujeedada kulankan loo qabtay inay tahay In isku xidh loo sameeyo ururada reerguuraaga ee Hayadu la shaqayso iyo maamulada heer gobolilaa heer degmo ee ay hoos tagaan,islamar kaana loo sameeyo qorshayaal waxqabad heer gobol iyo heer degmo oo ururada reer miyigu ka qayb yihiin, waxa kale oo Ibraahin intaas ku daray in loo sameeyo lana xoojiyo xidhiidhka ururada reer guuraaga iyo hayadaha dawliga ee sida tooska ah u khuseeya danaha reer guuraaga.

Ibraahin Xariir waxa kale oo uu tilmaamay in dhamaadka kulankan rajaynayno inay ka soo baxaan in loo sameeyo gudiyo horumarineed reer guuraaga oo heer degmo ah,ururada reer miyiguna qayb firfircoon ka yihiin,loona abuuro qorshayaal lagu horumarinayo,taasoo loo baahan yahay in maamulka gobol iyo degmaba ay teegeeraan waxna la qabtaan qorshayaasha ururada reer guuraga ah ayuu ku soo koobay hadalkiisii.

Badhasaabka G/Togdheer Cabdi Xuseen Dheere oo kulankaas ka hadlay ayaa ugu horayn u mahad celiyay hayadii soo qaban qaabisay kulanka,islamarkaana maamul ahaan aanu soo dhawaynayno talaabadan kaalintayadana ka qaadan doono ayuu yidhi .

Sidoo xubnihii ka soocday ururada reer guuraaga ah ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in wax lakala xadeeyo dhul daaqsimeedka iyo beeraha islamarkaana bacahii ay dhibaato xoog leh ku hayaan xoolihii taasoo llo baahan yahay in xukuumadu wax ka qabato.

Kulankan oo socon doono mudo sadex maalmooda ayaa waxa fulinayasa hayada wadaniga ee Havayoco.




Google
Search the web for releated News

News Posted By Abdirisak suleman.
Email Abdirisak suleman : abdirisak@somaliland.net



SAXIIB U DIR Saxiib u dir TRANSLATE - TARJUM PRINT - DAABAC Print This
MORE NEWS

Advertise with us
 



CONTACT INFORMATION.




| Home | Add a Site | Modify a Site | What's New | What's Cool | Top Rated | Random Link | Privacy Statement | Contact Us  
Copyright © 1998 Somaliland Net - This site has been optimized for 4.0+ Browsers.