-
Muwaadin Reer Somaliland Ah Oo Lagu Dilay Boosaaso
| Posted
to the web 07:49 Nov 23 2004 |
-
-
|
|
Nov 23 2004
BOORAMA, - Muwaadin reer Somaliland ah kana soo jeeda magaalada Boorama ayaa maamulka Cabdillahi Yusuf ku dilay magaalada Boosaaso 18 Nov. 2004.
|
-
| Posted
by M Ghalib, Somaliland Net. |
|
- X
a y a y s i i s - A d v e r t i s e m e n
t
-
- More
News Click Here
|
Marxuunka oo la yidhaahdo Cali Cabdi Iidle, waxa dilkiisa xaqiijay walaalkii Ibrahim Cabdi Iidle oo uu weriyaha Awdalnews Network ku waraystay magaalada Boorama.
Marxuunku wuxu ka shaqaysan jiray Boosaaso mudo badan, waxanay eheladiisu sheegtay in uu xidhnaa mudo 4bilood ah , sababta uu xidhnaana ay ahayd, markii uu iska difaacay budhcad isku dayday in ay ka dhacaan xoolihisa, ka dibna waa la xidhay.
Waxay eheladiisu caddaysay in bishan Novembar 18keedii marxuunka lagu dilay jeelka. Waxaana loo malaynayaa in loo dilay xiisada ka dhex taagan Somaliland iyo Puntland awgeed.
Marxuunka aabihii oo Boosaaso laga hadlay wuxu sheegay in Maamulka Boosaaso wiilkiisa dil ku xukumay iyada oo aan maxkamad la marin dembi loo haystana aan la caddayn.
Awdal News
Posted
by
M Ghalib, Somaliland Net.
Email: news@somalilandnet.com
|
|
Email
this Story - Saxiib u dir
|
|